Wasaaradda Waxbarashada Oo Digiin U Dirtay Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

Hargeysa (Berberanews) Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ayaa si adag uga digtay in dugsiyada gaarka loo leeyahay furaan xarumahooda waxbarasho xilli ka horaysa wakhtiga kuwa dawliga ah la furayo.

maxresdefault

Wareegto wasiirka waxbarashadu dhawaan soo sheegay ayaa lagu hor istaagay iskuulada gaarka loo leeyahay oo la furi lahaa bilawgii bishan August, waxaana dib loo xidhay dugsiyada qaar furmay.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen wasaaradda waxbarashada Wasiir ku xigeenka waxbarashada,Agaasimaha waxbarashada gaarka ah iyo guddoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Maroodi jeex qaybta bari ayaa ka warbaahinta u akhriyay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka oo ku saabsan wakhtiga rasmiga ah ee la furayo sannad dugsiyeedka waxbarasho ee guud ahaa dalka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland Md Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin ayaa akhriyay wareegtada xafiiska wasiirka ka soo baxday .

“Maanta waxa aanu halkan u fadhinaa wareegto ku socota hab sami u socodka waxbarashada dalka,kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawlabada.Waxa aanu hore u sheegnay in sannad dugsiyeedka la bilaabi doono bisha sagaalaad kowdeeda.Waxa aanu ka soo saarnay wareegto ku socota guud ahaan bahda waxbarashada.

Wareegtadaasina waxa ay ka odhanaysaa :

“Markii Wasaaradda waxbarashadu la tashi badan samaysay,waxa lagama maar maan noqotay in wareegtadan la soo saaro kadib markii cabasho faro badan ka timid bulshada ay caruurtoodu dhigtaan dugsiyada.

Furitaanka dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawligiiba isku mar ayay furmayaan waana bisha sagaalaad kowdeeda sannad walba

Imtixaanka teeramka hore ee naqliga ah waxa uu noqonayaa 25 December ilaa 7 January inta u dhaxaysa, 8 bisha koowaad ilaa 30ka bisha dugsiyadu fasax ayay ahaanayaa waana teeramka hore,Imtixinaankaasi.

Imtixaanka Teeramka dambe ee naqliga ahi waxa uu bilaamayaa kowda juun .

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasaalada 8aad iyo kuwa sare,waxa ay noqonayaan inta u dhaxaysa 15 juun ilaa 30ka Juun labada bilood ee 7aad iyo 8aad fasax ayay noqonayaan.

Waxa aan la aqbali karin oo aan la yeelayn iskuul bisha 8-aad furan.

Wareegtadaasi maantadaa ayay ku dabaqantahay ee maaha wax sannadka dambe loo dhigayo”

Wasiir xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray “Haddii uu jiro iskuul furani manta waxa uu raacayaa wareegtadaa oo ah in kowda bisha sagaalaad la furayo iskuulka ,kormeerayaasha iyo agaasimayaasha wasaaraddu way wareegayaan ,haddii ay soo arkaan iskuul furan ,marka koowaad waxa xumaanaya xidhiidhkii inaga dhexeeyay waxaana laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan”Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland

Waxa uu sheegay in wareegtadan ka soo baxday xafiiska wasiirku ku socoto dhammaanba haayada amaanka iyo badhasaabada iyo kormeerayaasha waxbarashada Somaliland kalana shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dugsiyada la furayo wakhti aanay wasaaraddu cayimi.

“Wareegtadani waxa ay ku socotaa Taliyaha guud ee ciidanka Booliska iyo taliye qaybeeyada gobolada oo ay la shaqeeyaan kormeerayaasha iyo agaasimayaasha wasaaradda”ayuu yidhi MD Cabdirashiid Ismaaciil.

 
Berbera news. Hargeysa