Shirguddoonka Golaha Guurtida Oo Ka Waramay Kulan Ay La Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha guurtida Somaliland oo saaka furmay ayuu kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye xigeenka golaha Siciid Jaamac Cali ka jeediyay khudbad uu ku soo qaaday muddo kordhintii goluhu u sameeyay golaha xukumadda iyo golaha wakiillada, waxa kale oo uu soo qaaday heshiiskii asxaabtu ka gaadhay wakhtiga doorashada.

Mudane Siciid Jaamac Cali Waxa uu u sheegay mudaneyaasha inaanay jirin wax laga bedelayo go’aankii golaha guurtidu muddada ugu kordhisay Xukumadda iyo wakiillada ee ahaa in dalka doorashada laga qabto March 2017, April 2017 xilka madaxnimo lala kala wareego.

Siciid Jaamac Cali kadib go’aankaasi guurtida ee muddo kordhinta uu ku adkeeyay kadib waxa uu soo qaaday heshiiskii asxaabta iyo xukumaddu iskula waafaqday in doorashada la qabto December, 2016, islamarkaana laga guuro wakhtiga guurtida, isagoo heshiiskan mid qayrul sharci ah ku tilmaamay.

“Waxa kale oo jira go’aammo iyo heshiisyo ay xisbiyada iyo xukumadda oo ku ladhani ka daba keeneen go’aankii guurtida. Arrinkaasi waxa weeye, dalkani wuxuu leeyahay dastuur iyo shuruuc laga dheegay dastuurka, asxaabtu haddii aanay iyagu ixtiraamayn ama aanay xaq-dhawrayn dastuurka, dastuurku waa waxay ku dhisan yihiin ee ay axsaab ku yihiin ee ay ku hadheen ururadii kale,” ayuu yidhi Mudane Siciid.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa hadalkiisa sii watay waxaanu yidhi “Dastuur baa hay’addo lagu yahay, dastuurka ayaa kala qaybiyay hay’ad walba awooddeeda. Dastuurku muddo kordhinta golaha xukumadda iyo golaha wakiillada wuxuu u siiyay golaha guurtida, iyadoo la tix raacayo qodobo dastuuri ah, cid kasta oo khilaaftaa waa cid ku xadgudubtay dastuurkii qaranka ee aan dhigannay”.

Siciid Jaamac Cali Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaan kordhinta muddo xileedka guurtidu samaysay aan waxba laga bedeli karrin “Muddo kordhinta guurtida Heshiis lagama gaadhi karo, go’aan kale lagama soo saari karo, wax jira oo sharci banneeyay heshiis lagama gaadhi karo” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Guurtidu

Berbera news.Hargeysa