Rag Hubaysay oo Weeraray Hoteel ay Daganaayeen Shaqaalaha Nabad ilaalinta Qaramada Midowbay ee Dalka Maali

Maali(berberanews) Rag hubeysan ayaa dalka Mali waxa ay weerareen hotel ku yaala magaalada Serare.
images (2)
Qaramada Midoobey iyo saraakiisha milatariga ayaa sheegay in is-rasaaseyn dhex martay raggani hubeysan iyo ciidamada ammaanka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan siddeed qof, kuwaasi oo shank a mid ah ay yihiin ciidamada milatariga iyo labo ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday iyo sidoo kale qof u shaqeynayay qaramada midoobey.
Hoteelka ayaa waxaa degenaa shaqaalaha hawlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada midoobey MINUSMA.
Muddo saacada ah ayaa muwaadiniin ajaaniib ah oo ka soo kala jeeda waddamada Ukraine, Ruushka iyo Koonfur Afrika waxa ay ku xayirnaayeen hoteelka gudahiisa, xilli uu dagaal ba’an dhex marayay dableyda iyo ciidamada ammaanka. Balse wararka ayaa sheegaya in dhowr qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaaniib ay soo badbaadiyeen ciidamada khaaska ah ee dalkaasi Mali.
Sarkaal reer Mali ah ayaa sheegay in hawlgalkaasi lagu sugayo ammaanka deegaankaasi uu wali halkaasi ka socdo.
Ilaa iyo haatan ma ay cadda kooxda dadkaasi afduubka u haysata.
Balse mintidiinta Islaamiga ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerrara kale oo dhawaan ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Mali.
Qaramada Midoobay waxaa dalkaasi ka jooga 10 kun oo shaqaale ah, kuwaasi oo inta badan ku sugan waqooyiga Mali.
Shaqaalahan ayaa halkaasi la geeyay kaddib markii ciidammada milateriga Faransiiska ay soo farageliyeen dalkaasi sanadkii 2013 si ay uga hortagaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay ku jirto Al-qaacidah.