Qaramada Midowbay oo Sheegtay in Xaalada Qaxootiga Dalka Giriigu ay Tahay Mid aan Loo Dul Qaadan Karin

Giriig (berberanews) Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee UNHCR ayaa sheegeysa in xaaladda qaxootiga ee dalka Giriigga ay tahay mid aad u xun oo aan loo dulqaadan karrin.
140731195712_greece_migrants_promo_624x351_afp
UNHCR ayaa sheegtay in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay in la qaado, si loola tacaalo xaaladan bini’aadamnimo ee sii xumaaneysa, ee dalka Giriigga ka jirta.
Waxa ay hay’adda ay midowga Yurub ka dalbatay inay dhaqaale ahaan caawiyaan qaxootigan, laakiin waxa ay walwal ka muujisay dhaqaale xumada haysata Giriigga oo ay codsatay in marka hore taasi wax laga qabto.
Qaramada midoobey ayaa ku qiyaastay in 124 kun oo muhaajiriin sharcidaro ah inay sanadkan ay gaareen Giriigga.
50 kun oo ka mid ah dadkaasi waxay halkaasi gaareen bishii July ee sanadkan.
Boqolkiiba 90 dadkaasi waxay ka tahriibeen dalalka Suuriya iyo Afghanistan.
Dowladda Giriigga waxa ay sheegeysaa inaysan tirade qaxootiga ee intaas la eg aysan xamilikarin.’
Berberanes.com