Ismaamulka soomaalida itoobiya oo sheegay in la masaafuriyey ganacsade lagau tuhmay aragagixsnimo

DDSI (berberanews) Shabakada wararaka ee ku hadasha afka DDSI,  ayaa lagu baahiyey in ganacsade loogu yeedho Seylici Sh Muxumad laga masaafuriyey Jigjiga. Wararka  ayaa sheegaaya  in ninkani dalka ku soo galay si sharci-daro ah.
002Seylici
 
shabakada  ayaa lagu faafiyey in ay jiraan gancasato Soomaaliyeeed oo doonaya in ay dalka khalkhal galiyaan iyaga oo adeegsanaya maaliyadooda. Waxa ay warbxintu sheegtay in ganacsatadu ka timid Soomaaliya iyo kiiniya.
 
Waxaa xusid mudan, in shabakada DDSI qarkood  oo saluugsan siyaada dawlada Ismaamulka Soomaalidu ay maanta qortay in Seylici xabsiga Jigjiga la dhigay isaga oo waliba la jidh-dilay. Shabakadan ayaa sheegtay in uu Seylici yahay ganacsade ka soo jeeda degaanka oo hanti ku leh goobo badan oo Geeska Afrika ah.
 
Waxaa kale oo shabakadaha qarkod  sheegen  in Seylici lug ku leeyahay dadaal loogu jira sidii la isugu soo dhaweyn lahaa ururka ONLF iyo xukuumada Itoobiya oo wadahadalo aan lagu guuleysan ay u socdaan.
 
Warar aan wali la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Seylici xidhiidh dhow la leeyahay masuuliyinta UWSLF ee heshiiska la galay Itoobiya balse ay isku dhaceen xukuumada DDSI ee degaanka ka arimisa.
 
DDSI ayaan sheegin goobta loo masaafuriyey Seylici iyo sababta sharicga loo horkeeni waayey haddii uu dalka ku soo galay sharici-daro islamarkaana falal danbiyo ah gacanta kula jiray.
 
Xukuumada DDSI ayaa lagu eedeeya in ay dad badan ku tilmaanto nabdiid ama argagixiso, gaar ahaan masuuliyiin iyo shaqaale  dawlada degaanka ka mid ahaa.