Falastiin: Boqolaal ka soo qayb gashay aas

Falastiin (berberanews) Boqolaal qof oo falastiiniyiin ayaa ka qaybgalay aas Daanta Galbeed loogu sameeyay nin Falastiini ah oo u dhintay dhaawac ka soo gaadhay dab la qabad siiyay gurigiisa waxaa ka sii horeeyay wiilkiisa oo 18 bilood jir ahaa oo isla maalinkaasi geeriyoday.
150808144322_palestine_512x288_afp_nocredit
Xaaskiisa iyo wiil uu dhalay oo afar sana jir ah ayaa hase yeeshee wali ku jira cisbitaalka oo xaaladoodana la sheegay in ay liidato.
Gurigooda oo ku yaala Daanta Galbeed ayaa isbuucii la soo dhaafay ay yuhuud xag jir ah soo wareertay.
Rasilwasaraha Isra’aail Beyamin Nitanyahu, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagaxiso.
Sarkaal reer Falastin ayaa sheegay in Israa’iiliyiinta dagan deegaanada laga haysto Falastiniyiinta ee Daanta Galbeed ay maanta gubeen guri kale oo reer Falastiin ah balse aysan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay.
 
 
Berberanews.com