“Anagu Saleebaan Gaal Iyo Siilaanyo Dalka La Dumin Mayno” Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan ay gacantooda ku dumin doonaan Qaranimadda Somaliland, Isla markaana wuxuu sheegay in Madaxweyn Siilaanyo looga baahan inuu mawqif qaato.

Gudoomiye Cali Guray wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay Facebook-ga, waxaanu sheegay in xisbiyadda Mucaaridku sharfeen Madaxweyne Siilaanyo, balse ay hogeen dadka uu aaminay”hablu walaa tahablu” ahayn oon sida ilkaha abeesada hoosta laga taxnayn, dastuurka iyo shuruucda dalku waa wax cad oo qoran oon madmadow lahayn. Go’aanka guurtiduna waa sharci darro, dastuurkana ma waafaqsana.

Madaxwaynuhu uma baahna in uu cidna baryo hadii uu daacad ka yahay waayo dastuurka marka lagu murmo Maxkamadda Dastuuriga ah oo keliya ayaa xaq u leh inay fasirto, maxaa u diidan inu u gudbiyo. Qodabada Guurtidu u cuskatay go’aankeedu mid keliya oo go’aankooda waafaqsani ma jiro. Arinku waa in aan wax doorasho ihi dalka ka qabsoomi karin taasina waa Somaliland ha dunto, anagu hadaba la dumin mayno Saleebaan Gaal iyo Madaxwayne Siilaanyo. iyagu gacmahooda ha ku dumiyaan. Hadii kale shacbiga Somaliland ha isu taagaan badbaadinta qaranimadooda ama jabka ha ogolaadaan. Aniga xaalkaygu waa hadii aad taliso oo lagu diido in la jabo ma jeceshahay



Waxa nasiib darro ah madaxwayne mucaarid kiisu karaamaynayo oo intii uu aaminay hoojinayso oo aanay dan iyo muraad ka lahayn sharftiisa iyo karaamadiisa.”

 
Berbera news.Hargeysa