Safiirka Cusub ee Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta oo lagu soo dhoweeyey madaarka Cigaal.

Hargeysa 12 July, 2015 (Berberanews)- Safiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay inuu ballanqaadayo inuu si daacad iyo xilkasnimo leh u gudan doono waajibaadka xilkan loo magacaabay muddada uu hayo.

Mr. Baashe Cawil oo shalay ku soo laabtay dalka ka dib markii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo u magabaacay xilka safiirka dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu meel fiican marayo xidhiidhka Somaliland la wadaagto dalka Imaaraadka Carabta dhowaana horumar kale la filayo

Wasiir xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibedda, Axmed Adan Ismaaciil (Keyse) oo ugu horeyn ka hadlay xafladii soo dhoweynta ayaa sheegay inay farxad u tahay soo dhoweynta safiirka cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu yidhi,

“waxa farxad weyn noo ah inaan dalka ku soo dhoweyno safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil, oo runtii aan kalsooni weyn ku qabno inuu yahay nin hawsha loo magacaabay wax weyn ka qaban kara,sawirka

Baashe Cawil Cumar, safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Somaliland oo xafladii soo dhoweyntiisa  ka hadlay ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey dalka, gaar ahaan wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda, oo uu sheegay inuu macalin u ahaan jiray, waxaanu yidhi, “waan ku faraxsanahay inaan dalka ku soo laabto oo weliba wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda Keyse igu soo dhoweeyo, oo hore macalinkayga u ahaan jiray, farxad weyn ayey ii tahay,, keligayga iimuu ahayne rag kalena way jireen uu macalin u ahaa”

Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo xilkan ii magacaabay iyo dhamaan intii ugu boorisay uguna horeeyo wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu yidhi, “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed maxamuud Siilanyo magacaabista xilka iyo weliba wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo igu booriyey qabashada xilkan,”

Baashe Cawil, safiirka cusub ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay culayskiisa leeyahay, sida xil kastoo la magacaabo u leeyahay, waxaanu yidhi, “Xil kastoo la magacaabo culayskiisa ayuu leeyahay, xilkan lay magacaabay ee Imaaraadka Carabtuna mid masuuliyadiisa yeelan doona ayuu noqon doonaa, maadama dalka Imaaraadku yahay dal aynu xidhiidh soo jireen ah leenahay, hadday noqoto xidhiidhkii ganacsi oo muddo boqolaal sannadood horteed lahayn iyo ka wakhtigan mudadii xukuumadani jirtay culays badan saartay isu-soo-dhowaanshaheena, isla markaana booqashooyin kala duwan oo wefdi Madaxweynaha Somaliland ku tegay, midhaheediikeentay in xafiis Somaliland leedahay laga furo Imaaraadka carabta.

Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu balanqaadayno inuu si xilkasnimo leh u guto waajibaadka xilkan loo magacaabay, waxaanu yidhi, “Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu xilkan ii fududeeyo, isla markaana ballanqaadayaa inaan si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gudan doono, muddanaan xilka hayo.”