WADDANI iyo UCID oo Baaq kama-dambays ah udiray Madaxweyne Siilaanyo & Nuxurka uu xambaarsan yahay

Hargeysa(berberanews):- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI, ayaa baaq kama dambays ay ku sheegeen oo ay soo saareen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu soo jeediyey inuu sida ugu habboon u hirgeliyo heshiis ay Xisbiyada Mucaaradka, Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Xukuumaddu wada gaadheen 27-ka bishii May ee sannadkan 2015-ka ee aynu ku jirno.
images (1)
Heshiiskaas oo laga gaadhay khilaaf ka dhashay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo dhan sannad iyo toban bilood oo Mucaaradku qaaddeceen, ayaa waxa uu heshiiska Muxaafidka iyo Mucaaradku gaadheen dhigayey in doorashada wakhtiga Guurtidu kordhiyey laga soo hormariyo muddo afar bilood ah, isla markaana la qabto badhtamaha Bisha December ee sannadka 2016-ka, halka ay Guurtidu ka dhigeen in la qabto dabayaaqada bisha Afraad ee sannadka 2917-ka.
 
Golaha Guurtida, ayaa iyagu ku gacan-saydhay heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumaddu isla gaadheen, isla markaana ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan la aqbali karin, kaa beddelkiisana lagu dhaqmayo waxa sharciga ah oo go’aanka Guurtidu muddada ku kordhiyey ah sida ay ku doodeen Shir-guddoonka Guurtida iyo qaar ka tirsan Mudanayaasha Golahaas.
 
Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, ayaa toddobaadkii hore sheegay in go’aanka Guurtidu yahay ka sharciga ah, halka heshiiska ay Mucaaradka la galeen ku tilmaameen inuu ahaa mid xal siyaasadeed lagu raadinayey, balse aanu sharci ahayn. Hase-yeeshee, waxay markaa Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ku tilmaameen hadalka Xukuumadda iyo Hoggaanka KULMIYE mid ay kaga galgalanayaan hirgelinta heshiiska ay hore isula gaadheen.
 
Haddaba, War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ka soo baxay xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, ayaa lagu sheegay inay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID wada saxeexeen Nuxurka Baaqa uu War-Saxaafadeedkani xambaarsan yahay, isla markaana ay kula hadlayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.
 
“HESHIIS LABADA XISBI MUCAARAD GAADHEEN]]
 
Nabadda  iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha, iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan kaqaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo.
 
Haddaba waxaa 5tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ku yeesheen Hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa oo ay goob-joog ahaayeen labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mudane Feysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kaga doodeen arrimaha Siyaasadda, nabadgelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen Xukuumadda iyo saddexda Xisbi Qaran 27-kii May 2015-ka, ee welina laga sugayo Xafiiska Madaxweynaha.
 
Waxay go’aanku gadheen UCID iyo WADDANI:-
 
Iyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda
Iyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,
Iyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,
Iyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda inay fuliso heshiiska,
Inay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:
 
In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda Xisbi iyo Xukuumadda ee lagu wada galay Madaxtooyadda 27-kii May 2015ka. In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda Xisbi iyo Xukuumadda, tixgelinayana danta Qaranka uu digreeto ku soo saaro heshiiskii la wada-galay, ka hor 20/7/2015-ka.
In haddi aanu Madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin Degreeto heshiiskii la wada-galay inay isbahaysiga Mucaaridku isugu iman doonaan talo lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland 21-26 July 2015-ka. ALLAA MAHAD LEH:”
Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkan qoraalka ah ee Xisbiyada Mucaaradku kula hadleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Aftahannews uu soo gaadhay Nuqul ka mid ahi, kaasoo soo baxay Khamiistii.