Afhayeenkii hore ee Xukuumada Soomaliya oo ka hadlay wixii Ku dhaliyay In uu Iscasilo & dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa ee soomaray –Daawo

(berberanews)-Afhayeenkii hore ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi Weli oo ku sugan magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa mudadii uu joogay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in dhacdooyinka ugu naxdinta badan ay ahayd qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab, isagoona sheegay in xilliyada qaarkood adigoo hurdaya aad ku kacdo qarax ama qof la dilay.
“Waxaa iigu xanuun badnaa dilkii Allaha u naxariistee Xildhibaan Saaco Cali oo aan hal Hotel wada deganeyn” ayuu yiri Ridwaan Xaaji Cabdi Weli oo sheegay inay kala tageen kahor muddo dhowr daqiiqo ah.
Afhayeenkii hore waxaa kale oo uu sheegay in Wasaaradaha Dowladda Federaalka qaarkood aanay wax howl ah heynin dhaqaale la’aan soo wajahday darteed.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xafiisyada madaxda sare ee Dowladda lagu soo koobay kan Madaxweynaha, xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana aanay jirin shuruuc dowli ah oo hay’adaha dowladda ay ku shaqeeyaan.
Dhinaca kale Ridwaan Xaaji Cabdi Weli ayaa sheegay inuu si weyn uga naxay markii la dilay saraakiil ay ka wada shaqeynayeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha sida agaasime K/Xigeenka iyo xubno ay si aad isugu dhowaayeen.

Berberanews.com