Mo Farah oo ku guuleystay tartan cusub, kana jawaabay dhaleeceyn loo jeediyay tababarihiisa

Orodyahanka u tartama dalka Ingiriiska balse asal ahaan ka soo jeeda dalkeena Soomaaliya ayaa xariijinta uga talaabay 13 daqiiqo iyo 11.77 ilbiriqsiyo, tartanka 5,000 oo mitir ee Diamond League kaa oo ka dhacayay Lausanne ee Switzerland.

mo3-500x382

Mo Farah ayaa kol hore isaga baxay tartankan kaddib markii macallinkiisa lagu eedeeyay isticmaalka daroogada balse iminka dib ugu soo laabtay isagoona ku garaacay tartanka Yomif Kejelcha oo ka soo jeeda dalka Ethopia kaa oo galay kaalinta labaad.

Waa tartankii ugu horreyayt uu ka qeyb qaato ordyahankan ku guuleysatay labada jeer bilada Olympicada muddo 41-maalmood ah tan iyo markii macallinkiisa eedeymaha loo soo jeediyay.

“Waxaan doonay inaan la tartamo qof kasta, maantana waxaa la ii soo bandhigay fursdan. Waxaan hestay dhameystir fiican, marka taa oo dhan laga soo tagana aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu tartanka u dhacay.”. Ayuu ku warmay Mo Farah.

“Guushan sidoo kale waa wado looga jawaabo dhaleeceymaha ku aadan macallinkeyga taa oo dhawaan soo ifbaxday.”.

Mo ayaa sidoo kale tijaabo kale mari doona marka uu ku tartamo 1,500 oo mitir Monaco sideed maalmood gudahood, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban gegada Olympic ee London si uu ugu tartamo 3,000 oo mitir ee ciyaaraha Sainsbury Anniversary usbuuc kaddib.

mo2-500x334mo4-500x334