Dawlada Kenya oo dadajinaysa gidaarka ay ka dhisayso xadka Soomaaliya

Kenya (berberanews) Tallaabada  Kenya ay ku dadajineyso dhismaha Darbiga xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxa ay ka dambeysay kadib markii toddobaadkaan gudihiisa Weerar ay Al Shabaab ay ku qaadeen Mandheera ay ku dileen 14 Qof.
2015710635720870866531213Border-wall-700x467-500x333
Xoghayaha arrimaha gudaha Dowladda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in si ay u adkeeyaan ammaanka dalka islamarkaana ay uga hortagaan Weerarada Shabaab ay dadajinayaan qorshaha lagu dhisayo Darbiga.
“Weerarkii Mandheera waxa uu muujinayaa muhiimada ay leedahay in aan adkeyno ammaanka xuduuda, hanjabaada Shabaab waa ay sii kordheysaa sidaasi awgeed waa in aan dib u xaqiijinaa ammaanka Qaranka” ayey tiri Monica Juma.
Dhismaha Darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ayaa ku fadhiya dhul 700 km oo kasoo bilaabanaya xuduuda Mandheera ee Waqooyi barri  ilaa Kiunga oo ku taala gobolka xeebta,.
“ujeedada laga leeyahay  tani ayaa waxa ay tahay  xakameynta Al Shabaab, waxaan aaminsanahay in qorshahaan uu hoos u dhigi karo Weerarada ka dhacaya dalka” ayey hadalkeeda ku dartay Xoghayaha arrimaha gudaha.
waxayna sheegtay inuu Kenya ka caawinayo xakamaynta dagaalyahanada Alshabab ee weerarada ku haya Kenya.
Al Shabaab ayaa Weeraro ku qaaday gobolka Waqooyi barri iyo Magalada Nairobi tan iyo markii Ciidamada Kenya ay so galeen Soomaaliya sanadki 2011.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jawaabta ugu haboon ay ka bixin doonto hadii dhigeeda Kenya ay ka dhabeyso dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xadka labada Dal.