Dablay Hubaysan oo dishay Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye

Rag hubeysan ayaa maanta barqadii waxa ay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dileen, Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed.

Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ayaa wuxuu ka dhacay Badhtamaha Magaalada Afgooye, gaar ahaan meel ku dhaw Dukaan lagu magacaabo Shamsu Diin.

C/llaahi Cabdi Axmed, Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ayaa dhowr xabadood lala dhacay, taasioo sababtay inuu durba meesha ku geeriyoodo.

Raggii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ayaa meesha ka baxsaday, kadib markii ay hubsadeen inay dileen Ex- Guddoomiyihii Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa sidii caadada aheyd waxa ay soo gaareen goobta oo baaris ay ka sameeyeen, waxaana ay qab qabteen dhowr qof.

Dilalka qorsheysan oo masuuliyiinta iyo ciidamada lala eegto ayaa ku badan Degmada Afgooye.