“WAXAAN BERYAHAN ARKAYAY WASIIRO IYO GABGABLAYAAL MADAXTOOYADA KA WADA BALANQAADYO XULAFAYSI SIYAASADEED ..”BOQOR BUUR MADAW

Hargeysa(Berberanews)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud(Buur madow) oo ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland oo haatan ku sugan dibadda ayaa hadal qoraal ah oo uu ku faafiyay bartiisa face book, ku sheegay in loo baahan yahay in marxaladan taagan lagaga gudbo isu tanaasul iyo wadajir, isla markaana wuxuu ka digay masuuliyiin beeshiisa ka soo jeeda oo uu xusay inay wadaan wax aanay xaq u lahayn.
download
Boqor Buur Madow hadalkaa uu soo saaray oo uu kaga hadlay dhawr qodob wuxuu u dhignaa sidan;
 
“Dhamaan shacbiga reer soomaaliland sidaad la socotaan beryahan waxa dalka ka socda buuq iyo qaylo badan. Walaalayaal waxaynu u baahanahay inaynu xaaladaha taagan ula macaamilno si tudhaale ah oo aynu kaga gudubno wadatashi iyo isu tanaasul, xisbiyada mucaaradkuna waa in ay keenaan barnaamijyo ilbaxnimo iyo horumar laga dheehan karo oo ay ka waantoobaan yooyootanka iyo qabyaalada fatahday ee dadku ku laab dilaaci karo. Waxaan kale oo beryahan arkaayay wasiiro iyo gabgablayaal madaxtooyada ka wada balanqaadyo ay cid ugu balanqaadayaan xulufaysi siyaasadeed, hadaba, bulshada soomaaliland iyo beelwaynta Habarjeclo waxaan u sheegaynaa talada beeshu inaanay ka go,in madaxtooyada ee ay ka go,do geedka beesha, sidii dhaqanka ahaydna taladeedu waxay taal dhawaana laysugu tegi doono gobka caanka ah ee Garadag. Madawaynaha anaga oo ku amaanayna halgankii dheeraa iyo waxqabadkiisa fiican, waxaanu u soo jeedinaynaa inuu maro wadadii Nelson Mandela dibna aanu isu sharaxin, ee soomaaliland uu u qabto tartan hufan. Talada iyo masiirka beesha ee mustaqbalkana  waxa go aamin doona madax dhaqameedkeeda oo uu hogaaminaayo suldaanka guud Sul. Cabdillaahi. Talada beelaha Habarjeclona  kama go,do  madatooyada iyo wasiirada beesha. Markaa waxaan cidkasta oo danaynaysa beesha taageeradeeda  u sheegaynaa, inay go,da madaxda dhaqanka beesha iyo beesha. Beeshana waxaan leeyahay waa inoo gobkii Garadag, hadii aanu nahay madaxda dhaqankana, dhawaan waxaanu ku baaqi doonaa shir degdeg.
 
Aniga oo cabdiraxmaan ciro iyo xisbiga wadaniba aad u taageersan oo aaminsan gudoomiye ciro wuxu dadka kusoo jiitay akhlaaq iyo deganaan, nasiibdaro waxa isukay qabanla, hogaamiyaha dhaqankiisa suuban iyo jirridan ku soo badatay xisbiga oo cay iyo qabyaalad hadaladooda ay bud dhig u noqdeen. waxaan aaminsanahay in xisbigu u baahan yahay si aanu ugu dhicin meel aan laga soo qaban karin in faafreeb lagu sameeyo dadka ku hadlaya xisbiga afkiisa masuuliyada koobaadna Gudoomiye Ciro ayay saaran tahay.”