Cajiib: Keli Bani’aadam oo Saddex Qof ku Shaqeeyeen

Dhakhaatiir u dhashay dalka Romania ee qaaradda Yurub, ayaa kali ay hore u geliyeen nin bukaan ah, haddana qof kale u geliyey, kadib marka qofkii hore ee loogu deeqay geeriyooday.

Kelidan oo isu soo martay saddex qof, iyadoo markii ugu horraysay uu nin 36 jir ah ugu deeqay wiil uu dhalay oo aad u xannuunsanayey waqtigan, una baahnaa keli degdeg ah in loo geliyo.

Aabbaha iyo wiilka isugu deeqay kelidan oo ku noolaa magaalada Oradea ee galbeedka Romaniya, ayaa nasiib-darro wiilka dhallinyarada ah ee kelidan loogu deeqay uu geeriyooday saddex bilood kadib markii kelida loo geliyey, iyadoo uu ku soo booday xannuun degdeg ah.

In kastoo markii loo geliyey la diiwaangeliyey in keli loogu deeqay, haddana dhakhaatiirtu may hubin in kelidan loogu deeqay oo qof hore lahaan jiray, kadibna waxa ay la xidhiidheen aabbaha wiilkan yar oo keli kali ah u shaqaynayso, balse aan sharci u lahayn inuu la soo noqdo kalidiida, isna muu codsan, waxaannu la socodsiiyey inuu aad ugu faraxsan yahay in qof kale loogu deeqo si loogu bedbaadiyo.kelli-biniaadam

Waxa uu ninkan dhakhaatiirta u sheegay in kelidan ay badbaadisay nolosha wiilkiisa, waqtigana uu doonayo inuu fursadaas oo kale qof siiyo, iyadoo qalliinada noocan ah ee kelida qudhi dhawr qof isu marayso ayaa 30% caalamka laga fuliyaa sida lagu qiyaaso.



Prof. Mihai Lucan oo ah Mareeyaha mac-hadka qalliinada xubnaha Urology and Kidney ee Cluj oo hadal uu soo saaray wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa sheegay in aabbaha nolosha wiilkiisa saddex bilood ka hor badbaadiyey ee kelida ugu deeqay, waqtigana uu ogolaaday in kelidaas qof kale loo geliyo, aadna ay ula yaabeen.

“Waa markii ugu horraysay ee aannu isku daynay, kuna guulaysanay in xubin kaliya markii labaad qof loo geliyo, waxa loo qabtay shaqada si taxadir ku jiro, sababtoo ah qalliino horray kelidu soo martay,” ayuu yidhi Sorin Lanceu oo ka mid ah dhakhaatiirta qalliinkan fulisay.

Ninka kelidan loo geliyey oo la yidhaa Loan Arnau oo 51 jir ah, ayaa sannadihii u dambeeyey la marinayey mishiinka kelyaha lagu safeeyo, kaasoo waqtigana fursad u helay in loo geliyo keli uu ku shaqeeyo.