Xaflad lagu daah-furayay balaadhinta Bulsho Tv ee Gobolada Galbeedka iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha

Hargeysa-(Berberanews)Xaflad balaadhan oo lagu daah furayay  balaadhinta Bulsho Tv ee gobolada galbeedka Somaliland ayaa Habeenkii xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee Caasimada Hargesa.
Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa sidoo kale, waxa halkaasi lagu soo bandhigay Barnaamijyo muuqaal ah oo ka hadlayay wax soo saarka Beeraha iyo ka faa’idaysiga Kalluumaysiga.
Waxana ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka S/land, Madax ka tirsan Bulsho Tv, Culimaa’udiin iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxa Barnaamijyada iyo wacyi-gelinta ee Bulsho Tv C/raxmaan Cismaan Cumar “C/raxmaan Xaaji”  isagoo ka waramay Taariikhda iyo maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray Bulsho Tv, sidoo kale, wuxu sheegay inay Tvga ay ku xidhan yihiin Nus Malyuun dhallinyaro ah oo ku dhaqan Gobolada Maroodi-jeex, Awdal, Gabiley iyo Togdheer kuwaasi oo Tvga kala socda Ciyaaraha Caalamiga ah ee Adduunka.CA2_8300 CA2_8322 CA2_8342 CA2_8372 CA2_8402 (1) CA2_8450
Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed Cabdi Carab oo ka mid ah Culimada Tvga ka jeedisa Barnaamijyada Diiniga ah isagoo Bulsho Tv ku ammaanay inay kaalin muuqata ku leeyihiin Telefishanada Dalka gaar ahaan baahinta Barnaamijyada Diiniga ah sida Tafsiirka Quraanka Kariimka ee Sheekh Dirir iyo Siirada Rasuulkeenii Suubanaa (NNKHA) ee Sheekh Aaden Siiro.
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh.Cali Ayaanle iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah Golaha Wakiilada S/land, iyagoo Madasha ka xusay in Bulsho Tv uu saamayn ku saamayn balaadhan ku yeeshay Gobolada Gabiley iyo Awdal oo iyaga laga soo doortay.
Munaasibadan ayaa intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay Toban Documentary oo ku saabsanaa Beeraha, Kalluumaysiga iyo Shaqo-abuurka Dhallinyarada Somaliland. Barnaamijyadaasi oo dhawaan laga baahin doono qaar ka mid ah Tvyada Dalka, sida Tvga Qaranka, Bulsho Tv iyo Kalsan Tv.
Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa Bulsho Tv ku ammaanay mudada kooban ee uu jiray iyo dedaalka badan ee uu muujiyey “ laga soo bilaabo 2010 ilaa maanta oo Shan sano ah wuxu Tvgu sammeeyey Horumar balaadhan”
Gabagabadii, waxa Xaflada ka hadlay Agaasimaha guud ee Bulsho Tv C/rashiid Nuur Wacays isagoo si wayn ugu Mahadnaqay Bulshada ku xidhan Bulsho Tv ee ay ka mid yihiin ganacsatada, dhallinyarada iyo Haweenka. Agaasime C/rashiid Nuur Wacays ayaa sidoo kale wuxu xusay inta aan Sannadkani dhammaan ay ku hawlan yihiin balaadhinta Tvga loona gaadhsiin lahaa baahintiisa guud ahaanba Dalka S/land.