Ramadaan: Saddex Hore Iima Bilan, Bishanna Mooyi!‏

Waxan ahaa afar iyo toban ku jira fasalka siddeedaad ee dusgiga dhexe markii kowaad ee aan si buuxda u soomay faralka Ramadaanta. Halkii ayaan ka sii waday sannadihii ku xigay oo dhan. Haddii la i weydiiyo maalmaha i dhaafay, waxa i seegay soonka saddex dharaarood oo salkoodu ahaa safar iyo xanuun, iyaga waan qalleeyay.

Ta iigu darani waxay ila kowsatay sannadkii 2012ka oo aanu igu cusbaa xanuunka macaanku. Maalintii kowaad ee Ramadaan aniga oo niyadsan ayaan suxuurtay, waan ogaa in jidhku awood daran yahay oo aanan qaadi karin cunto-la’aanta. Laakiin waxa aan garan waayay meel aan kaga hadho dadka Islaamka ah, sidaas ayaan ugu adkaystay in aan soomo. Illaa salaaddii duhur wax dhib ah ma dareemin. Markii ay goor-sheegtu dul-taagnayd 02:00PM ayaa caloosha la igaga qabtay wax aad fallaadh mooddo. Ma maqli jirteen “way igu da’aysaa”. Aniga malaayiin goor ayay igu da’day. Waxa igu ururay tii gaajo la odhan jiray oo dhan, illaa aan gaadhay heer uu hadalku igu adkaado.SICIID GAHAYR

Intaan istaagay ayaan qoyska ku wargeliyay in aanan sii soommanaan karin wax intaa ka badan, iyagu ishayda ayay ka garteen xaaladda aan ku jiro. Waxa la ii keenay waxoogaa hadhimo ah, markii aan liqay ayaan nafisay. Sida aan uga xumaa in aan dadka muslimiinta ah ka hadho iyo tiiraanyada aan muquurtay awgeed waxa iga soo daatay ilmo. Waxan arkay walaalkayga ugu yar oo 11 ahaa maalmahaa oo soomay laba iyo saddex cisho. Naftu waxay is-weydiisay “maanta ma Cismaan ayaa ka tamar badnaaday? Ma wuxuu sameeyay ayaad kari weyday”.

Ramadaantaas iyo laba ka-dambeeyayba iima bilan. Marka aan u hollado soonkana waxa aan miliilicaa dhimbilihii bogga iyo beerka iga fuulay ee kululaa.  Halka ay dadku ka farxaan markay Ramadaan soo gelayso anigu waan naxaa. Waa loo riyaaqaa marka ay Galbeed ka soo baxdo, aniga se bilaha kale ayaa iiga wacnaada. Mar haddii aanan sida dadka u soomayn, maxaa iiga gidhiish ah?. Waxan ku mashquuli jiray xasuusta xaaladda goonida iga dhigtay. Maankayga waxa ku furma dareenno ku aaddan waxa aan gaabiska u noqday, waajibkana aan u gudan waayay. Dadka qaar ayaa odhan jiray “miyaad nafta ku dhibtid?”. “Allaw yaa macaan ku rida ha ila arkaane” ayaan hoosta ka odhan jiray. Soonka oo qudha ma aha, waxa caloolyowga igu seegay khayr badan oo kale sida taraawiix, salaadda saq-badhka (tahajudka) iyo qaar kale.

Xaaladdan murugada ah waxa igula jira dad kale oo xanuunno dartood u soomi kari waayay. Waxan ummadda muslimiinta ah ka codsanayaa in ay u duceeyaan dadka duruuftu ku adagtahay ee aan jidh ahaan awoodin in ay soomaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayrkeeda ina siiyo dhammaanteen….

 

Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com