Rabshado Gacan Ka Hadal ah Oo Dhalinyaro Caawa Ku Dhex Maray Xaafadda DAAMI Iyo Tiradda Dhaawaca +Masuuliyiin Xabsiga Lootaxaabay

Hargeysa (berberanews) Laba qof ayaa ku dhaawacmay rabshado caawa ka dhacay Xaafada Daami ee Magaaladda Hargeysa.
Libaax Khadar Cabdilaahi iyo Amiin jaamac kayd ayuu dhaawac ka soo gaadhay rasaas ay ciidamada Boolisku ku kala kaxaynayeen laba kooxood oo ka mid ah dhalinyarada wada degan xaafada Daami ee Degmada Gacan Libaax, kuwaas oo uu dagaal dhex maray.
bth_Breaking-News
Labada qof ee uu dhaawacu soo gaadhay ayaa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa halkaas oo lagu dabiibayo.
 
Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa xasbiga u taxaabay La taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xirsi oo hada ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, kaas oo sida uu
hadhwanaagnews u sheegay Komishineer Liibaan Ismaaciil Maxamuud oo ka tirsan Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland.
Liibaan waxa uu xusay in uu isagu u yeedhay Barkhad Jaamac Xirsi si uu ula dejiyo dhalinyarada, hasayeeshee ay ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen.
 
Lama garanayo sababta ka dambaysa Xadhiga Siyaasi Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon Magaaladda Hargeysa.
 
Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro tiro badan kuwaas oo ka soo kala jeeda Labada Xaafadood ee wada dega deegaankaasi.
 
Wixii War ah ee ka soo kordha kala soco  Berberanews.com
Berberanews.com