Madaxweyne Siilaanyo oo Furay Mashaariic laga Hirgeliyey Deegaanka Waddo-makaahiil

Faroweyne (Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa furay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaanka Waddo-makaahiil oo ka tirsan degmada Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex, kuwaas oo uu isagu hore u dhagax-dhigay.

Maashaariicdan oo isugu jira ceel biyood dhawaan la qoday, dhisme cusub oo lagu kordhiyey dugsiga waxbarashada dawladda ee deegaankaas iyo baabuurka gurmadka degdega caafimaadka iyo weliba kuwo kale oo la dhagax-dhigay hirgelintooda oo ay ka mid tahay xarunta caafimaadka Waddo-makaahiil.

Xaflad si qurux badan loo agaasimay oo furitaanka mashaariicdaasi loogu sameeyey Waddo-makaahiil maanta, kana qaybgaleen Madaxweynaha, wasiirro, xildhibaanno, madax kale oo ka tirsan dawladda iyo guud ahaan qaybaha dadweynaha deegaankaasi, iyadoo Madaxweynaha iyo madaxda wehelinaysay soo dhawayn ballaadhan kala kulmeen shacabka ku dhaqan deegaanka Waddo-makaahiil oo ay hormuud ka ahaayeen madaxdhaqameedka, culimaa’udiinka iyo waxgaradka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Ugu horreyn, Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Aw Suufi iyo Ugaaska beesha deegaanka Ugaas Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Jabane, ayaa uga mahadnaqay xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo dadaalka ay shacbigeeda u samaysay ee adeegyada aasaasiga bini’aadamka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxa kaloo ay u mahadceliyeen cid kastoo gacan ka gaysatay ceelka biyaha ee la coday, dugsiga waxbarashada iyo baabuurka caafimaadka.

“Runtii Madaxweynuhu waa shaqsi ku sifoobay wanaag iyo waxqabad xukuumaddiisuna waxay ku suntanaan doontaa waxqabad buuxa oo ay dalka u qabteen, marwalba garabkaaga Madaxweyne naga filo oo naga eeg haddii aannu nahay beesha degaankan.”

Gudoomiyaha Degmada Faraweyne Faysal Maxamed Jaamac oo halkaasi ka madaxweynaha warbixin ka siiyey deegaanka Faraweyne hoos yimaada ayaa sheegay in degmadu tahay mid si gaara u ilaashata madaxweynaha ilaa wakhtigan ilaa wakhtigii mucaarka.

Guddoomiyaha Tuulada Waddo-makaahiil Ismaaciil Aw Muuse oo xafladdaasi, ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha deegaankiisa oo uu dib u xasuusiyey in aannu ahayn mid ku cusub ee uu aqoon u lahaa ilaa waqtigii halganka SNM, isla markaana ay guul u tahay inuu maanta isagoo Madaxweyne ah mashaariic ka furo, kuwaas oo uu uga mahadnaqay. Waxa kaloo uu Madaxweynaha u tiriyey baahiyaha ka maqan deegaanka ee ay u ooman yihiin oo ay ka mid yihiin; biyaha oo weli degmada ku yar, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada oo u baahan in kor loo qaado.

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Md. Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa halkaasi baabuur cusub oo kuwa gurmadka degdega ah ku guddoonsiiyey degmada, isagoo halkaasina kaga dhawaaqay bushaaro kale oo ah dhismaha xarun caafimaad (MCH) laga dhisayo degaanka.

Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa ka hadlay sida loo ilaalin doono ceelkan biyood, waxaannu yidhi, “Ceelkan waxaannu u samayn doonaa nidaam uu ku shaqeeyo si loogu aayo waqti dheer, waana mid aynu isla qaadan doono Insha Allah. Deegaankana waxa lagu tiriyaa dhulka oomanaha ah, balse waxaynu ku dedaali doonaa in balliyo ama horooyin loo sameeyo, laguna dedaali doono marka aynu helno dhaqaale ku filan in aynu ceelal dhaadheer sida kan oo kale loo qodi doono, lana gaadhsiin doono ilaa Buuhoodle.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey farxad wayn ku tilmaamay mashaariicda laga hirgeliyey deegaanka iyo xafladda dadka badan kulmisay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, waxa uu ka hadlay taariikhda deegaanka Waddo-makaahiil, “Dadka deegaanku dhaqan ayey u lahaayeen sida qiimaha badan ee ay noo soo dhaweeyeen, waana dad hiddo u leh Suugaanta sidaad halkan ka arkayseen. Waxaan idiinku bushaaraynayaa inaad tihiin deegaan nabadgalyada ku fiican oo marka loo eego meelaha qaar aannu mahadnaq ballaadhan idin soo jeedino,” ayu yidhi Warancadde.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad kooban ka jeediyey madasha, ayaa uga mahadceliyey shacabka reer Waddo-makaahiil soo dhawaynta ay ku qaabileen, isagoo halkaasi ka ballanqaaday inuu fulinayo wixii baahiyo ah ee ay qabaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

“Waxaannu halkan u joognaa oo aannu dawlad u nahay waxa weeye in aannu dadkayaga baahiyahooda wixii aannu ka qabana karno ogaanno oo aannu ka qabanno. Isha Allaahu, baahiyaha halkan laga sheegay, wixii la tabanayo iyo kuwa muuqdaba wax allaale iyo wixii aannu ka qaban karayno in aannu ka qabanayno, markaa waan idiin ballanqaadaynaa baahida biyaha iyo hadday wax kale tahayba in aannu qabanayno oo aanaan waxba idinkala hadhi doonin, taasina waa waxa aannu dalka u marayno ama u soconno ee aannu idiinla joognaa waa in aannu xogogaal u noqonno waxaad tabanaysaan iyo waxaad sheeganaysaan,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kaloo ka hadlay xafladdaasi Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeenya-yare), Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Axmed Faarax Caddare, Suldaan Ibraahim Sulub, Chief Caaqil Shuuriye, Oday Xasan Baaruud, Abwaan Maxamed Maxamuud Dhega-cun, Khadar Cabdi Xuseen oo ka socday shirkadda ceelka biyaha qoday ee Durdur.

Ugu dambayn, madaxweynaha iyo weftigiisa waxa la siiyey casuumad qado-sharaf ah oo loogu sameeyey tuulada Waddo-makaahil.