Agaasimaha ARR. Dibadda Oo Ka Hadlay Hakadka Ku Yimi Waraaqihii Dal Ku Galka Itoobiya..

Hargaysa (berberanews) Dadweyne tiro badan ayaa shalay cabasho la hortagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, kadib markii siday sheegeen ay dal ku galka Itoobiya u xaniban yihiin,
Maxamed-Xasan-Siciid
isla markaana ay waayeen Masuuliyiin ka qanciya. Dadweynahan oo warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay inay 15 maalmod ku xaniban yihiin Safaaradda Itoobiya horteeda. “Dawladayada sharafta leh ee aanu qiimaynayo, waxaanu sidanaa baasaabooro, waxaan ka imi Addis-Ababa oo waxa ihayaa Kansar, waxa laygu yidhi laba toddobaad jidhkaaga ayuu gaadhayaa, oo waxaan u baahannahay Dal-ku-gal (Visa), meeshii baanu hortuban nahay oo dad baa gacmaha lagu sidaa oo aniga iga daran, dad baa fiise ka dhacayaa, waxaanu dawlada ka codsanayna inay la hadlaan Safaaradan oo bil dhan ayay na celcelinayaan, safaaradu intay kuu aamusto ayuun baa duhurka lagu odhanayaa iska taga waxba ma jiraane.”, sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Daweynaha.
“Shan iyo toban cisho ayaanu safaaradda hor tubannahay, cid wax naga xeraysa, cid wax naga qabata iyo cid wax noo sheegta toona ma hayno, Dawladdu baasaabooradiina lacagtii bay naga qaaday, meel kale oo lagu tagayaa ma jirto, Itoobiyannaa safaaradeedii way xidhatay, cid ka hadlaysa oo masuuliyiin ah oo dadka shacabka u hadlaysana maanaan arag, maalin walba sida bacadka loo taagan yahay ayaa la rawaxaa, dad baa kansal hayaa, dad baa xanuuno kale hayaan”. Ayuu yidhi mid ka mid ahaa dadweynaha cabanayey.
 
Dhinac kale Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maxamed Xasan Siciid, ayaa ku sababeeyay arrintan hakad ku yimi waraaqaha dal ku galka dalka Itoobiya, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Runtii Itoobiya waa dalka kaliya ee Safaarad ku leh Somaliland ee Baasboorkeeda oo kaliya fiisayaal ku bixisa, waanan la balansanayn oo berito ayaanu u yeedhnay (maanta), waanan ka wadda soconay arrintan, waanan waydiinay markii ugu horraysay fiisayaasha hakadku galay, arrintuna maaha arrin ay Safaaradu Fiisayaal joojisay ee waxa weeye istiikaradii fiisayaasha ayaa ka kala go’ay, marka maalmahan baa way sugayeen, istiikaradana waxay noo sheegeen in xafiis qaabilsan yahay oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka codsanayso, Wasaaradduna ay hadana iyaga u soo dirayso, marka istiikarada ayaa maqan ee Dal-ku-gal (Visa) la joojiyay ma jiraan.”
 
Berberanews.com