Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo Mudaraad ka dhigay Magaalooyinka

Hargeysa (Berberanews)-Taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa mudaharaadyo ka sameeyey qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilalka ugu kordhiyey xukuumadda KULMIYE iyo Golaha Wakiillada maanta.

mudaharaad waddani

 

Masuuliyiinta xisbiga WADDANI, ayaa taageerayaashooda ugu baaqay inay sameeyaan mudaharaad lagu diiddan yahay muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, iyadoo aannu jirin mudaharaad jidadka la maray oo ka dhacay magaalada Hargeysa, balse taageerayaal badan ayaa isugu soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga WADDANI ku leeyahay caasimadda iyo magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, kuwaasoo aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhacay.

Taageerayaasha WADDANI oo isugu soo baxay jidadka magaalada Burco, ayaa taayiro ay gubeen iyo dhagaxaan ku xidhay qaar ka mid ah waddooyinka, iyadoo ay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ay kaga soo horjeedaan muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo xilka sii hayn doona ilaa 27 July 2017.

Ciidamo xooggan oo xukuumaddu dhigtay jidadka waaweyn ee magaalooyinka dalka, gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, ayaa sababay in hoos-u-dhac ku yimaad baaxada taageerayaasha xisbiga WADDANI ee doonayey inay sameeyaan mudaharaadka, balse, waxa qaybo badan oo taageerayaasha xisbigaas ah u suurtogashay inay isu soo bax weyn muujiyaan.

Ciidanka la wareegay xarunta dhexe ee Waddani

Dhinaca kale, ciidamo badan ayaa la dhigay xarumaha xisbiga WADDANI ku leeyahay Hargeysa iyo Burco, kuwaasoo diiday in wax dhaqdhaqaaq ah laga sameeyo xarumahaas shalay, iyadoo ciidanku amar ku bixiyeen in aanay cidna ka bixi karin xarunta dhexe ee oo ay ku jireen masuuliyiinta sare ee, isla markaana cid gashaa aanay jirin, inkastoo markii dambe la ogaaday in la geli karo xarunta WADDANI, balse aan cid ka bixi karin.

Ciidammada ammaanka, ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay saraakiil iyo taageerayaal badan oo ka tirsan WADDANI habeenkii Isniinta ilaa gelinkii hore ee maanta, kuwaasoo saacado kadib loo celiyey xorriyaddooda, waxana arrintaas si xooggan u cambaareeyey madaxda xisbigaas oo sheegay in meel-ka-dhac lagu sameeyey xisbigooda.