Safiir Maraykanku u soo magacaabay Somaliya oo ka cudur-daaratay

Katarine Simonds Dhanani, oo ah haweenayda 25-kii Bishii February Madaxweynaha Mareykanka Obama u soo magacaabay dalka Soomaaliya ayaa iska diiday inay Soomaaliya ka howlgasho.

Haweenaydaan ayaa Madaxweyne Obama waxa ay u gudbisay inaysan Soomaaliya ka howlgali karin, iyadoo Madaxweyne Obama uu ka aqbalay arintaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Katarine Simonds Dhanani, si shaqsi ah ay u codsatay inaysan shaqadaan qaban karin, balse lama oga waxyaabaha ay ka walaacday oo ay shaqadaan u diiday, maadaama kolkii la magacaabayay lagu wargeliyay oo ay ogeyd.

Madaxweyne Obama ayaan la ogeyn Safiir kale oo cusub inuu Soomaaliya u soo magacaabayo iyo in kale,  maadaama 25-sano kadib Mareykanka Soomaaliya uu safiir u soo magacaabay.Katherine-Simonds-Dhanani

Arintani ayaa waxa ay saameyn ku yeelanaysaa xiriirka Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, xilli Mareykanka uu ka mid yahay Dowladaha sida aadka ah u taageera arimaha Soomaaliya.

Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cawaale Cali Kulane, ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kusoo wargelisay in Safiirkii uu diiday shaqada Madaxweyne Obama uu ka aqbalay arintaasi