Boqorka Sucuudiga oo diiday shir Maraykanka lagu taageerayo

Washington (Jam)- Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salman Bin Abdulaziz Al Saud, ayaa diiday inuu ka qaybgalo shir madaxweynaha Maraykanku isugu yeedhay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta oo qabsoomaya Khamiista toddobaadkan, kaasoo ah weji-ku-macaash lagu taageerayo dagaalka Maraykanku kula jiro kooxaha muslimiinta ah ee ka jira waddamada Ciraaq iyo Suuriya.
Boqor Salman

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga, Adel Al-Jubeir, ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku caddeeyey in aannu Boqor Salman ka qaybgeli doonin shirka ka dhici doona degaanka la yidhaa Camp David ee dalka Maraykanka, halkaasoo ay isugu tegi doonaan madaxweyne Barack Obama iyo madaxda Carabta, iyadoo arrintaasina iftiimisay in aannu xidhiidhka Maraykanka iyo Sucuudigu xilligan fiicnayn.
Sida Wasiirku tilmaamay, waxa shirkaas ka qaybgeli doona wefti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Sucuudiga Amiir Mohammed Bin Nayef iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ahna ku-xigeenka dhaxal-sugaha Sucuudiga Amiir Mohammed Bin Salman oo sidoo kalena ah wiil uu dhalay Boqor Salman.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa qorshaynayey inuu kulan gaar ah la yeesho Boqorka Sucuudiga oo shirkaas lagu martiqaaday, laakiin waxa kulankaas meesha ka saaray kadib markii Boqor Salman diiday inuu ka qaybgalo, arrintaasoo niyad-jab ku ah madaxweyne Obama iyo Maraykanka oo xidhiidh xooggan la lahaa Sucuudiga.
Obama
War ka soo baxay Guriga Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in baaqashada Boqorka Sucuudigu ku diiday shirka madaxda Carabtu isugu imanayso aannu ka turjumayn in wax iska beddeleen xidhiidhka Maraykanka iyo Sucuudiga, balse siyaasiyiinta u dhuun-daloola arrimaha bariga dhexe ayaa sheegay in sababta Boqorka Sucuudigu uga muquurtay inuu ka qaybgalo shirkaas ay la xidhiidho in Sucuudigu aad uga xun yahay sida ay xilligan isugu soo dhawaanayaan Maraykanka iyo dalka Iran oo cadaawad guun ah ka dhexayso Sucuudiga.
Shirka la isugu yeedhay hoggaamiyeyaasha Gacanka Carabta ee ka qabsoomaya Camp David, ayaa ujeedadiisu tahay sidii hoggaamiyeyaasha Carbeed u muujin lahaayeen inay madaxweyne Barack Obama ku taageersan yihiin dagaalka ay kula jiraan kooxaha islaamiyiinta ah ee ka hawlaga Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo shirkaasina yahay weji-ku-macaasha taageero loogu muujinayo dawladda Washington.