Sheekh Aadan Siiro Oo Isagoo Caafimaad Qaba Si Weyn Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay

Hargeysa (berberanews)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu safar Caafimaad oo muddo toddoba billod ah ugu maqnaa dalka Hindiya uu soo dhamaystay.
vvx
Wasiiro ka tirsan xukuumada, Salaadiin iyo Boqolaal dadweyne ah ayaa si meeqaam sarre kaga hor-tegay garoonka diyaarahada ee Cigaal, waxaana ay u galbiyeen Hotel Guuleed halkaasi oo uu kula hadlay dadweynihii soo dhaweeyay isaga oo sidoo kale ka war-bixiyey xaalkiisa caafimaad. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Culimadda waa weyn ee Somaliland ayaa qalliin ku gallay wadanka Hindiya ka dib markii Inantiisu ay u saartay mid ka mid ah kelyaheeda.
Sheikh Aadan Siiro ayaa sheegay inay xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsantahay., waxaana uu ugu mahad-naqay dadkii soo dhaweeyay iyo kuwii xaaladiisa caafimaad la socday ee guddaha iyo dibadaba iyo inantiisa baariyada ah ee nafteeda u hurtay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Walaalayaal aad ayaad u mahad-san tihiin, waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadka ehelkee kheyrka badan leh ee iga hor-yimid, waxaa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa inantii aan dhalay ee idin furatay, Somaliland oo dhan bay furatay, ehelkii oo dhan bay furatay dhamaanteen culeys ina haystay bay inaga furatay”
Sheekh Aadan oo wejigiisa ay ka muuqatay hillaw iyo kalgacal uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabo ayaa sii xusay mahad-naqa uu u hayo dadkiisa, waxaana uu yidhi “Waxaan kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa ilaa 18-qof oo u soo diyaar garoobay oo dadka ehelka ah ka mid ah inay kelidaa ii bixiyaan, laakiin aan anigu aan ku idhi horta bal annagu reer Xaaji Aadan Maxamuud ahaan bal horta annagu aanu soo kala dhamaano. Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkii faraha baddnaa ee runtii igu xidhnaa ee habeen iyo maalin ila soo xidhiidhayay ee uu ka mid ahaa wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis. Waxaa kale oo aan u mahad-naqayaa ilaa Kontomeeyo qof oo si hagar la’aan ah oo Insha Allaahu aan magacyadooda halka dambe aan ka soo sheegi doono, waxaan leeyahay Baaraka-laahu Fiikum”.
Ugu dambeyntii Sheekh Aadan ayaa ummada Somaliland ugu baaqay inay ku faro-adaygan midnimada, nabada iyo qaranimada ay hastaan “Dad yar baynu nahay Somaliland, nabadu waa lama huraan, midnimadeenu waa lama huraan, qaranimadeenu waa lama huraan. Wakhti xasaasi ah oo kala guur ah ayaan ku jirnaa, waxaynu ku heshiino si taa u ilaalino mar walba waxaynu ku heshiino ha la ilaaliyo, waxay ahayd inaan 6-billood sii joogo dhakhtarka laakiin waxaan doorbiday maadaaba aan 7-billood idinka maqnaa inaan dalkii ku soo noqdo oo wax kasta oo jira oo duruufo caafimaad haddana aan nolosha idinla qeybsado” ayuu hadalkiisi ku soo koobay Sheekh Aadan.