Iran oo Xasuuq ku eedaysay Sucuudiga & Xulafadiisa!

Tahran(berbera)Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatullahi Khumeynii ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Yemen.
Iran-Khumeynii-Yemen2015
 Khumeynii oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay xaalada Yemen, ayaa sheegay in isbaheysiga Sucuudiga duqeynta uu ka wado dalka Yemen ay tahay Xasuuq bareer ah oo loo geysanayo shacabka dalka Yemen.
 
 
 
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa ka digay xasuuqa ka socda Yemen inuusan noqon doonin mid sidaas lagu eegto wuxuuna uga digay Sucuudiga xaalada ka dhalan karta duqeynta uu ka wado dalka ay jaarka yihiin.
 
Hadalka Khumeynii ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii dalka Iran uu Maraakiib dagaal usoo diray Bada Cas.
Geesta kale waxaa isagana ka hadlay xogayahay qaramada midoobay
Ban Ki Moon
UN-BanKImoon-Yemen2015-740x416
Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka hadlay xaalada Yemen ayaa sheegay in xaalada ka jirta dalka Yemen ay tahay mid halis ah oo dhibaato weyn ku ah shacabka aan waxna galabsan.
Ban Ki moon ayaa sheegay inuusan dooneyn in dalka Yemen dhibaatada ka jirta ay noqoto mid lamid ah musiibooyinkii ka dhacay dalalka Liibiya iyo Siiriya.
 
“…Xiligan caalamka iyo gobalka bariga dhexe uma baahna dhibaatooyin horleh oo lamid ah kuwii ka dhacay Liibiya iyo Siiriya….” ayuu yiri Ban Ki Moon oo saxaafada kula hadlay xarunta Qaramada Midoobay.
 
Maanta oo Jimce ah ayaa lagu wadaa in Golaha Amaanka uu ka doodo xaalada ka jirta dalka Yemen iyadoo la filayo in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogo kooxda Xuuthiyiinta arrintaasi oo ay olole ugu jiraan Sucuudiga iyo xulafadiisa oo uu kamid yahay dalka Maraykanka.