Nin mindi ku hubaysan oo dhaawacay Safiirka Maraykanka Kuuriyadda Koonfureed+Sawiro

Korea-(Berberanews)-Danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka South Korea Mark Lippert, ayaa waxaa lagu dhaawacay Magaalada Seoul ee Xarunta Wadanka South Korea.

Nin mindi ku hubeysnaa oo da’diisu lagu sheegay 55 sano jir, ayaa dhowr goor mindida kala dhacay dhabanka iyo gacanta. Waxaana lagula cararay goobaha caafimaadka.

Safiirka oo xaflad farshaxan kaga qaybgalaayay Magaalada Seoul, ayaa la soo weeraray xilli uu quraac u fadhiyay. Waxaana la arkaayay miiskii uu ku cunteynaayay oo dhiig ah.

Ciidamada amniga, ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan ninkii dhibaatada geystay, oo la tilmaamay in uu jeclaa midnimada Koonfurta iyo Waqooyiga Kooriya. Ninkaasi waxa uu ku qaylinaayay labada Kuuriya ha midoobaan.

Mark Lippert oo 42 sano jir ah, ayaa waxaa xaaladiisa caafimaadeed wax looga qabanaya isbitaal ku yaala Magaalada Seoul.

86fffa9c 43921006 66ba700a 9f4c4ccf