Maamulka HCTV oo iska eryay jilayaasha caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan

Hargeysa-(Berberanews)–Maamulka guud ee Telefishanka caalamiga ah ee HCTV ayaa shaqadii ay ka hayeen Tv-gaasi ka joojiyey Jiliyaasha Sooraan iyo Jawaan, kaas oo ay sanadihii u danbeeyey ka hawlgalayeen.

Waxaanay warqada xil ka qaadista oo aanu helnay nuqul ka mid ah oo lagu baahiyey barta Facebook-ga u dhignayd iyadoo dhamaystiran sidan:-

“Horn Cable TV waxa uu idinka Mahad celinayaa Muddadii aynu wada shaqaynay, anagoo idiin hayna Tixgalin iyo Sharaf wanaagsan, waxa muuqatay in hawshii aad hayseen Tv-ga  ay hoos u dhac balaadhan ku yimid taasi oo ka timid in Shaqadii la idiin xilsaaray aad ka gaabiseen, muddo dheerna aanay sidii loo baahna u socon wayday.

sooraan iyo jawaan

Waxa xusid in mararka laduwan Mamulka sareee TV-gu idin kala Xajooday inaad shaqada wax ka badashaan, wakhti wanaagsan oo aad wax ku badeshana la idinsiiyay, nasiibdarose ay xagiina ka suurto gali  wayday, sidaad ka warqabtaana dhamaan tiraba saddex heshiis oo Xafiiska aad la gasheena aad kasoo bixiwaydeen, shaqaalihii iyo dadkii aad wadashaqaynayseena cabasho kala duwan ka keeneen wadashaqayntiina iyo hoos u dhaca ku yimid wax soo-saarkii shaqada, sidaasi awgeed waxa uu Horn Cable TV idinku wargalinayaa in wixii maanta ka danbeeya inaad u madaxbanaan tihiin hawlihiina, gaarka ah ee aad kaga mashquusheen isla markaana aydaan wax shaqo ah u haynin. Waxaananu  idiinka mahad naqaynaa muddadii aynu soo wada-shaqaynay”.