Samaale Saluugye, Samsam-na siday u aragtaa is-weydaarintooda? Warbixin C/fataax I Mursal

Hargeysa(Berberanews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ku gacan-saydhay, isla markaana diiday inuu noqdo ama aqbalo xilka cusub ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo niskii dambe ee Sabtidii xalay u beddelay, isagoo ku dooday sida la sheegay inaan wax wada-tashi ah lagala yeelan beddelka  Madaxweynuhu sameeyey.

Wasiirkii Maaliyadda Mr. Samaale, ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin isugu jiray Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Agaasimayaal, Taliyeyaal Ciidan iyo Maareeyayaal hay’ado kala duwan oo uu Xalay Madaxweynuhu qaarkood magacaabay, kuwo xilka ka qaaday, inta bandanna isku bedbeddelay, waxaana Wareegtada Madaxweynaha lagu sheegay in laga bilaabo taariikhda xalay Samaale loo beddelay inuu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, halka Wasiirkii Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan Madaxweynuhu u soo beddelay inay noqoto Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada uu Madaxweynuhu u macaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo toddobaadkii u dambeeyey socdaallo shaqo ku marayey goobaha Dakhli-ururinta iyo dakhli-soo-saarka ee gobollada Saaxil, Togdheer iyo Sool, ayaa la sheegay inuu maantaba soo gebogabeeyey socdaalkiisaas shaqo, isla markaana dhinaca Hargeysa u soo baqoolay.MARWO-AAMINA-SAMAALE-IYO-SAMSAM-aftahannews-300x138 (1)

Ka dib, waxa uu Cabdicasiis Samaale laga soo xigtay inuu saluug ka muujiyey Wasaaradda Waxbarashada ee Madaxweyne Siilaanyo u beddelay, isla markaasna aanu illaa hadda aqbalin xilkaas cusub ee loo wareejiyey. Inkasta oo aanu jirin War-Saxaafadeed uu si toosa u soo saaray iyo Shir Jaraa’id oo uu si furan u qabtay toona, haddana Samaale iyo ila-wareedyo ku dhaw ayay Warbaahinta qaar u xaqiijiyey diidmada iyo saluugga Samaale ka muujiyey inuu noqdo Wasiirka Waxbarashada.

Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa beehinteedii habeennimo ee sagaalkii caawa, waxay sheegtay in Cabdicasiis Maxamed Samaale saluug ka muujiyey Wasaaradda uu u beddelay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaasna saluugga iyo diidmada uu ka muujiyey xilkaas ku sababeeyey inaan haba-yaraatee Madaxweynuhu kala tashan beddelkiisa, balse waxay BBC-du xustay inaanu wax faahfaahina oo intaas ka badan bixinnin Samaale.

Inkasta oo Samaale Warkiisa aad loo qaada-dhigayey illaa maanta, isla markaana caawa la xaqiiqsaday inuu saluugay, waxaan illaa hadda dhinaceeda war laga heynin sida ay u aragtay in Samaale lagu beddelo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxcbarashada Samsam Cabdi Aadan oo uu Madaxweynuhu xalay u beddelay inay noqoto Wasiirka Maaliyadda.

Hase-yeeshee, Weriyeyaal Aftahannews ka tirsan oo isku deyey inay Wasiir Samsam wax ka weydiiyaan sida ay u aragto Wasaaradda Madaxweynuhu u beddelay, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno ka dib Taleefankeeda gacanta oo saacado bada noo caawa iyo maanta ah xidhan, wakhti saacad gudaheed ah oo uu furnaa caawa ahaanna uu sheegayey uun mashquul iyo in lagu hadlayo, farriimo aannu u dirnayna nasiib-wanaag noogamay soo jawaabin Samsam Cabdi Aadan.

Sidaa awgeed illaa hadda si rasmi ah looma oga sida ay u aragto xilkaas, inkasta oo taleefankeeda saacadaha badan xidhani muujin karo saluug iyo inay ku faraxsan tahay oo ay buuqa badan iska xidhay labada siyood-ba loo qaadan karo, haddana war suan weli lagama hayo dhinaceeda.

Labadan Wasiir ee Maaliyadda iyo Waxbarashada ee uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo isu waydaariyey midba Wasaaradda uu markii hore joogay mooyee ta kale, ayaa ka mid ah Wasiirrada Xisbiyahannada ah ee KULMIYE ku abtirsada, kuwaasoo isku beel ka soo jeeda, isla markaana labada Wasaaradood ee ay kala hayeen ee haddana la isu waydaariyey ka mid yihiin Wasaaradaha ugu lixda Wasaaradood ee ugu shaqada, Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda badan dalka.

Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ahaa labadii Wasiir ee isku beddelkooda loogu hadal-haynta badnaa tan iyo markii xalay labadii Habeennimo uu soo baxay War-Saxaafadeedka Xambaarsanaa Wareegtada uu Madaxweynuhu xilka-qaadista, magacaabista iyo isku-shaandhaynta ama isku beddelka ku sameeyey.

Waxay dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ka bixinayeen aragtiyo kala duwan oo qaarkood tilmaamayeen inuu Samaale oo Damaca Kursiga Madaxweynaha leh la geeyey Wasaarad u fiican siyaasad ahaan oo uu heerka nolosha Bulshada oo barbaarinta dhinaca aqooneed ee Jiilka soo karayo kala socon karo, halka ay qaar kale tilmaamayeen in Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee uu joogay uga fiicnayd.

Waxay kuwo kale muujinayeen in Samsam ay magac iyo maamuus ku kasbatay afarta sano iyo dheeraadka ay ahayd Wasiirka Waxbarashada, balse aanay siyaasad ahaan iyo shaqsiyad ahaan toona u fiicnayn Wasaaradda hadda loo beddelay ee Maaliyadda oo ah Wasaaradaha dhalliisha siyaasadeed ee badan loo jeediyo, loona jeedin doono maaddaama oo doorashooyin, ololayaal furan iyo kuwa dadbani-ba imanayaan inta ka horraysa 26 June oo Xukuumaddu muddo-kordhin qorshaysatay, sidaa darteed maaddaama oo ay tahay qof Dumar ah, Wasaarad aan siyaasadda saamayn badan ku lahayna joogtay ay nabarro siyaasadeed oo hor leh kala kulmi karto Maaliyadda.

Samsam Cabdi Aadan waxay ka mid ahayd Liiska Golihii Wasiirrada ee ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Siilaanyo markii uu xilka la wareegay maalin ka dib 27-kii June 2010-kii ku dhawaaqay, waxaanay illaa maalintaas illaa xalay oo uu Maaliyadda u beddelay joogtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo loo arkoo inay meel fiican gaadhsiisay, balse waxa la dhawrayaa sida ay Wasaaradda dhalliilaha iyo boogaha badan ee maaliyadda u maarayn doonto iyo midda ay wadi karto, inkasta oo wakhtiga Xukuumaddu u muuqaal eegyahay Ciyaar laga dareeri rabo ama Flim dhammaad ah, maaddaama wakhtiga sharciga ah ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ku egyihiin 26 June sannadkan 2015-ka.

Cabdicasiis Samaale, oo ka mid ahaa Ciyaartoyda gadaal kaga soo biiray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ka dib markii uu sannadkii 2012-kii u magacaabay Wasiirka Maaliyadda, isagoo markaa ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, waxaana intii uu joogay Wasaaraddaas uu korodh fiican ku sameeyey Miisaaniyadda dawladda Somaliland ee saddexdii sano ee uu xilkaas hayey.

Waloow uu Samaale eedo kala kulmay Loollanka siyaasadeed ee Xisbil-xaakimka KULMIYE iyo Beesha uu ka dheshay dhexdooda oo Mucaaradku ku tilmaameen inuu Hantidii Qaranka u adeegsanayo ololayaasha Reerka dhexdiisa iyo ka Xisbiga dhexdiisa-ba. Balse Samsam iyo Samaale-ba waxay ka mid yihiin Xubnaha saamaynta siyaasadeed ku leh Xukuumadda, isla markaana saaxiibtinnimada dhaw la leh Qoyska Madaxtooyada Somaliland, Waxaanay ila-wareedyada qaar tibaaxayaan in tallaabadan Madaxweynuhu ku kala beddelay labadan Masuul ay saamayn xooggan ku lahayd Marwada Koowaad Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

mrmursal@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.