Rag uu dagaal dhexmaray booliska Muqdisho oo gaadhigii ay wateen qarxay

Muqdisho-(Berberanews)-Qarax xoogan, ayaa fiidnimadii caawa laga maqlay inta u dhaxeyso xaafadaha NBC iyo Albaraka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kadib markii dhawr ninoo gaadhi wata ay ciidammada boolisku kasoo eryadeen  Isgoyska Black Sea, iyadoo raggaasi ay gaadhiga ula carareen dhinaca Albaraka.

Goobtaas waxaa ka bilaabantay rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac, waxayna kolkii dambe raggaasi ka deggeen gaadhiga, iyagoo ku qarxiyay inta u dhaxeyso Albaraka iyo NBC.

C/qaadir Cali Kullane, Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah saddex nin oo gaadhigaasi la socotay, isla-markaana ay ninkaasi qabteen isagoo dhaawac culus qaba.a

Gudoomiyaha, ayaa tibaaxay in ninkaasi uu ku dhaawacmay rasaastii lays weydaarsanaayay, isla-markaana uu muddo kooban ka dib u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Hawlgal ballaadhan, ayaa caawa ka soconaayo goobtii lagu qarxiyay gaariga, iyadoo laga raadinaayo raggii kale ee gaariga la socday.