Ingiriiska oo walaac ka muujiyay Ruushka iyo IS

Ruushka waxa uu noqday halis ku wajahan Britain oo ay tahay in loo diyaar garoowo sidii loo qaadi lahaa tallaabo difaac lagama maarmaan ah, Waxaa sidaasi shegay Sir John Sawers, kaas oo dhowaantan howlgab noqday kaddib 5 sano oo uu ahaa madaxa laanta MI6 oo ah waaxda sirdoonka ee Britain.

Wareysigii ugu horeeyay ee uu bixiyo tan iyo markuu xafiiska ka tagay waxa uu si gaar ah u siiyay BBC-da.

Ruushka iyo Bariga dhexe waxa ay si cad u noqdeen meelaha aadka u sareeya ee qofka sirdoonka Britain ee MI6 ka tirsan uu siweyn maanka ugu hayo.150213143707_debaltseve_624x351_ap

Sir John Sawers ayaa BBC-da u sheegay in halista ka imaaneysa Ruushka ay sii siyaaday, waxa uu carabka ku dhuftay madaxyada nuclearka ee Ruushka ay ku soo dhawaanayaan xeebaha Cornish.

Wuxuuna tilmaamay in Britain iyo reer Galbeedka looga baahan yahay inay u diyaargaroowaan difaacidda naftooda iyo saaxiibadooda sida dalalka Balticga.

Sawers ayaa sheegay in colaadda hadda ka taagan Bariga Ukraine ay tahay calaamad muujineysa sida dalalka Yurub ay ugu baahan yihiin inay iska ilaaliyaan Ruushka.

Ninkan howlgabka ka noqday sirdoonka Britain ayaa muujiyay niyadjabkiisa ah in kaddib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunida, in Ruushka iyo Yurub ay ku guuldareysteen inay isu yimaadaan.

Ficillada Madaxweyne Putin, waxa uu ku sheegay inay la mid yihiin sida hogaamiye mar la aaminsanaa inuu amnigiisa gacmihiisa ku qaatay.

Halista ururada jihaadiga ah ayuu Sir John Sawers ku tilmaamay in ay tahay kumannaan qof oo walaac ku ah laamaha amniga ee Britain.

Balse taasi waxa ay keeneysaa ka warhaynta waxa aan waaqiciga ahayn iyo caqabadaha ka horimaanaya xeerarka xuquuqda aadanaha.

Waxa uu intaa ku daray in qatarta ururada jihaaddoonka ah ay ku yihiin Britain ay sii kordheysay sanadihii la soo dhaafay, loona baahan yahay in laamaha ammaanka ay fiijignaan badan sameeyaan.