Guddiga dawladda Somaliland u qaabbilsan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya oo gaadhay Istanbul

Hargeysa-(Berberanews)-Guddiga dawladda Somaliland u qaabbilsan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya, ayaa Xalay gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dib markii ay subaxnimadii Jimcaha ee shalay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, waxaanay Istanbul kaga qaybgalayaan Shir laba geesood ah oo Guddiyada wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya Axadda Berri uga furmi doona halkaas.

Xubnaha Ergada dhinaca Somaliland u qaabbilsan wadahadallada saddexdii sano ee u dambeeyey u socday Soomaaliya, ayaa xalay si nabad ah u gaadhay Istanbul, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah Xubnaha ku cusub Guddigaas, waxaanu sidaas ku caddeeyey Qoraal kooban oo uu Sabtida Maanta soo dhigay Bayjka uu ku leeyahay Shabakadda Facebook, waxaanu qoraalkaas oo Aftahannews ka soo xigatay Bayjka Wasiirka waxa uu u dhignaa sidatan:-timthumb (3) timthumb (2) timthumb (1) timthumb

“ALLE Mahaddii xalay ayaannu gaadhnay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, Annaga oo ah Weftigii Dawladda Somaliland ugu qayb-galayey wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyey.

Xubnaha Weftiga Somaliland ee wadahallada, waxa la socda xubno kale oo aan Guddiga ku jirin, laakiin ka qayb-geli doona wadahadallada arrinta Maamulka Hawada, Xubnaas oo kala ah, Aniga oo Wasiirka Duulista ah, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyoAgaasimaha Duulista Eng. Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro).

Wadahadallada oo maalina Berri furmaya, waxaannu ka rejnaynaa inay ka soo baxdo Najiito wanaagsan, waxaana naga go’an inaannu xaqiijinno hanka iyo himalada Ummadda reer Somaliland ee aannu Masuul ka nahay, marna suuro-gal maaha inay ka soo baxaan wax wax yeeli kara Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH. GUUL SOMALILAND…..GUUL SOMALILAND…. GUUL SOMALILAND.” Sidaa ayuu Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi ku yidhi Qoraalkan uu maanta ku baahiyey Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Kulanka Bulshada ee Facebook.