Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo mar kale ku dhawaaqay muddo kordhin

Hargeysa-(Berberanews)-Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay in haddii doorashooyinka la filayey inay qabsoomaan badhtamaha sannadkan 2015-ka qabsoomi waayaan oo doorasho la’aani dhacdo, inaanay Somaliland ka dhici doonin dawlad la’aani, isla markaana la samayn doono muddo-kordhin ay kursiga ku sii fadhiyaan Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 26 June 2015-ka.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in dalku fawdo, muran siyaasadeed iyo kacdoon bulsho midna ka dhaco, balse loo baahan yahay in laga wada tashado waxa danta dadka iyo dalka Somaliland ku jirto haddii ay doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi waydo, waxaanu intaas ku daray inaan runta laga leexan ee la caddeeyo inaanay xilligaas doorasho suuragal ahayn ee loo baahan yahay muddo-kordhin wakhtiyeysan oo doorasho lagu gaadho.

Suldaan Maxamed waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanannu Warbixinta Warkiisa oo dhan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-