Qoor-gooyaha Ururka Daacish oo la aqoonsaday

Warar kala duwan ayaa sheegaya in la aqoonsaday Ninkii wejiga daboolnaa ee lagu arki jiray muuqaallada ay soo diraan Ururka Daacish, waxaana ninkan Wejiga daboolani caan ku ahaa inuu soo muuqdo xilliyada goorta laga goynayo la haystayaasha gacanta ugu jira ururka Daacish. Ninkaas oo Madax-jare dadka qaar ula baxeen.

MADAX-JARAHA-KOOXDA-DAACISH-OO-LA-AQOONSADAY-KA-UU-YAHAY-300x164

Ninkaasi  oo loogu magac-daray Jihadi John, ayaa warar laga soo xigtay Saaxiidbadiis maanta oo Khamiis ahi sheegayaan in  magaciisa rasmiga ahi yahay Mohamed  Emwas. Ninkaasoo la tibaaxayo in la xag-jireeyey dhawr sano ka hor.

Weriyaha  VOA ee Rome, ayaa  sheegay in Sirdoonka  Yurub ay diiden in ay xaqiijiyaan in Emwazi uu yahay  Jihadi John, isla markaana ay sheegeen in sheekadu ay intaasi ka sii  durugsan tahay. Saraakiisha Amniga ee dawladda Mareykanka, ayaan weli ka  faalloon wararka ku saabsan ninkaasi  xidhan dharka madow ee Wejigu u daboolan yahay.

Emwazi ayaa la sheegay  in uu  yahay Nin  reer London ah ama degganaa magaalada London ee waddanka Ingiriiska, kana mid ahaa dadka dabaqadda dhexe nolol ahaan oo u dhashay  dalka Kuweit, isla markaana Wadaad ama Sheekh ah. Ninkan, ayaa la sheegay inay hore  u daneeynayeen Saraakiisha Amniga ee dawladda Britain, inkastoo aaney weli  xaqiijin.

Saaxiibbadii iyo dad yaqaanna Ninkan, ayaa sheegay in ay  rumeeysan yihiin in Emawazi xag-jir laga  dhigay sannaddadii la soo dhaafay, ka dib markii  uu  u Safray dalal ka tirsan Afrika iyo Bariga  dhexe. Waxaana Ninkan Muuqaalladiisa la arkaa isagoo Mindi ama Soodh cad dul-haya hadba Maxbuuska ay Daacish Madaxa ka jarayso ee ay Muuqaalladiisa soo bandhigaan.

Xigasho VOASomali.com