Hoobiyayaal lagu garaacay Villa Somalia

Muqdisho(Berberanews)-Hoobiyeyaal ayaa lagu garaacay duhurnimadii Maanta Aqalka Madaxtooyada iyo goobo kale oo ku dhaw, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay qasaare kala duwan.

Labo ka mid ah madaafiicdaas lasoo tuuray ayaa ku dhacday gudaha xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana mid kamid ah madaafiicdaasi uu ku dhacay goob gawaarida la dhigto oo kutaala Madaxatooyada.

Warar aan si rasmiya loo xaqiijin ayaa sheegaya inay Madaafiicdaasi khasaare ka geysteen gudaha Madaxtooyada. Qaar kamid ah Madaafiicda ayaa ku dhacay goobo ku dhaw dhaw sida Ex-Fiyoore.VILA-SOMALIA1

 Ma jiro wax wara oo ka soo baxay Dawladda oo looga hadlay weerarkan, hase-ahaatee Xarakada Ala-shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyada weerarkan. Afhayeen u hadlay xarada oo u waramay Idacada Afkooda ku hadasha ee Andalus, ayaa sheegay inay dagaalyahano ka tirsan Kooxda Alshabaab weerarkaas fuliyeen. Tafaasiil dheeraada kamuu bixin qasaaraha Weerarkaas.

Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii weerar Ismiidaamina lagu qaaday Hudheel ay ku sugnaayeen Masuuliyiin sar sare oo dawladda Somaaliya ka tirsan. Weerarkaasoo sida la sheegay ay ka qayb qaadatay fulintiisa haweenay ka shaqayn jirtay Hotelka laga fuliyey, ayaa waxa ku dhintay masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamanka Dawladda Soomaaliya, sidoo kalena waxa dhaawac madaxa ahi ka soo gaadhay reysal-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Masuuliyiin kale.