Berbera: Madaxweyne Silaanyo iyo mashaariicda xadhiga ka jaris iyo dhagaxdhigga Dekedda iyo Dawladda Hoose+Sawiro

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo maalintii labaad ku sugan magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa  ka qaybgalay xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyey wejigii koowaad ee balaadhinta barxada weyn ee dekeda.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed Xoor Xoor, ayaa Madaxweynaha uga xog-waramay hawsha balaadhinta dekeda oo uu sheegay inay qaab iskaa wax u qabso ah ku dhisayaan shaqaalaha dekedda Berbera.

Madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay Maamulka dekeda ee uu hogaaminaayo Maareeye Cali Xoor-xoor iyo shaqaalaha ku hawlan shaqadan sida fiican ee waddaniyadu ku dheehan tahay ee ay uga qaybqaateen wejigii labaad ee barxadan lagu balaadhinaayo, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeeyey, muwaadiniintaasi sida qiimaha leh ee ay shacbiga u tuseen inay wax-qabsan karaan haddii la isu tago.

Intaa ka dib waxauu Madaxweynaha xadhigga ka jaray waddo 8 Km ah oo casriya, taasoo noqotay mid iyana sidoo kale muddo bil gudeheed ah ay ku dhamaystiraan maamulka dawlada hoose ee uu hormuudka uu ka yahay maayar Cabdi Shakuur Maxamed Xasan Cidin.

timthumb timthumb (1) timthumb (2) timthumb (3) timthumb (4) timthumb (5) timthumb (6) timthumb (7) timthumb (8) timthumb (9) timthumb (10) timthumb (11) timthumb (12) timthumb (13) timthumb (19) timthumb (20) timthumb (14) timthumb (15) timthumb (16) timthumb (17) timthumb (18)