Xogo Laga Helay Nin iyo Gabadh Dhalashada Holland Haysta oo Fuliyey Weerarkii Muqdisho

Muqdisho-(AFP)-Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa baahisay in laba qof oo haysta dhalashada dalka Holland ee qaaradda Yurub fuliyeen weerar ugu yaraan 25 qof oo isugu jira masuuliyiin, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo dad rayid ah ku dhinteen, in ka badan 50 kalena ku dhaawacmeen oo ka dhacay hudheel yaal duleedka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho duhurnimadii Jimcaha.

Xogo laga helay Nabad-sugidda Soomaaliya iyo hay’ado kale oo dhinaca ammaanka qaabilsan, ayaa muujiyey in nin la odhan jiray Ismaaciil Muuse uu baabuur miinaysan ku qarxiyey hudheel la yidhaa Central Hotel, halka gabadh magaceeda lagu sheegay Luula Axmed Daahir ay markii dambe isku qarxiyey masjidka lagu tukanayey saaladdii Jimcaha oo hudheelkaas ku dhex yaal, kuwaasoo labadooduba ka mid ahaa qurbo-joogta Soomaalida ee dhalashada dalka Holland.

Sida xoguhu tilmaameen Luula Axmed Daahir waxay ka mid ahayd shaqaalaha ka shaqeeya hudheelka Central oo ay joogtay muddo afar ilaa lix bilood ah, waxaannu wararku tibaaxeen in xidhiidh xooggan ka dhexeeyey haweenaydaas iyo ninka fuliyey weerarkaas khasaaraha badan dhaliyey, kuwaas oo tuhusan yahay inay ahaayeen lammaane is-qabay, balse ilaa hadda arrintaas si ramsi ah looma xaqiijin.

Masuuliyiinta ammaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in dad gaadhaya ilaa 12 qof, una badan shaqaalaha hudheelka la qarxiyey loo xidhay falkaas oo ay ku waxyeelloobeen siyaasiyiin iyo dhallinyaro asal ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland oo ku sugnaa hudheelka weerarku ka dhacay ee Muqdisho.

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageeraan sidii loo cidhib-tiri lahaa dagaalyahannada Al-shabaab oo uu xusay inay yihiin argagixiso cadaw ah.

Mr. Sharmarke oo safar ku maqnaa, Muqdisho-na ku laabtay shalay, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca baahsan ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday hudheelka Center.

 “Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed oo midaysan waxay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan sidii dalka loo xasilin lahaa, loogana hortagi lahaa kooxaha caadaystay weerarada waxashnimada ah,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaruhu, isagoo intaas raaciyey; “Weerarkan waxa toos lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo xilligaas u taagnaa gudashada waajibaadka salaadda Jimce. Fikirka ay xambaarsan yihiin nabad-diidku waa mid lagula dagaallamayo diinteenna suubban, waxaanan Ilaahay uga baryeynaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo intii ku dhimatay, inta ku dhaawacantayna Ilaahay siiyo caafimaad taam ah. Waxay shalay (maalintii Jimcaha) noo ahayd maalin murugo oo dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed xusuusan doonaan dadkii qaaliga ahaa ee naftooda ku weeyay weerarkaas.”

Waxa kaloo Ra’iisal-wasaare Cumar Cabdirashiid uu tilmaamay in ku-xigeenkiisa Mr. Maxamed Cumar Carta oo weerarkaas ku dhaawacway loo qaaday dalka Turkiga shalay, “Falkan iwuxuu na tusayaa in kooxaha nabad-diidku cadaawad u qabaan dadka Soomaaliyeed, kuna beegsanayaan masaajidada iyo goobaha lagu cibaadaysto. Waxay ka soo horjeedaan Soomaaliya oo nabad ah, midaysan, horumarna ku tallaabsatay, mana aqbalayno dhaqamadan ay ku dheehan tahay cadowtinimadu.”

Dhinacaa kale, Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya Mr. Maxamed Cumar Carte oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen qaraxadii Muqdisho, kana mid ah siyaasiyiinta dhuuni-raacyada ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu qaaday dhinaca waddanka Turkiga, halkaasoo la sheegay in la dhigay cusbitaal lagu daweeyo.