Mudane Wakiillada ah oo ku Eedeeyey Guddoomiye Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI Dastuur-jabin Cad

Hargeysa-(Berberanews)- Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku eedeeyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa WADDANI inay ku kaceen dastuur-jabin badheedh ah, kadib markii ay ku baaqeen in la kala diro golayaasha xukuumadda iyo Wakiillada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo soo bandhigay mowqif xisbi ahaan ay ka qabaan dib-u-dhac ku yimaad doorashada qorshuhu yahay inay qabsoonto 26-ka June 2015 maalintii Khamiista ee toddobaadkan, ayaa soo jeediyey in la kala diro xukuumadda iyo Aqalka Wakiillada wixii ka dambeeya muddadaasi haddii doorashadu qabsoomi waydo.

Haseyeeshee, xildhibaan Marreexaan oo waraysi khaas ah siiyey wargeyska Jamhuuriya shalay, ayaa sheegay in go’aanka xisbiga WADDANI yahay dastuur-jabin si badheedh ah looga horyimi shuruucda dalka.Cali mareexaan

“Khubaddii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xisbiga WADDANI jeediyey oo uu ku sheegay mowqifka, go’aankaasi uu ku dhawaaqay wuxuu ahaa mid dastuurka iyo xeerarka dalkaba ka horimanaysa, waxaana qodobka uu mucda uga dhigay hadalkiisa ee ahaa in 26-ka bisha June wixii ka dambeeya haddii doorasho dhici waydo la kala diro Golaha Wakiillada iyo xukuumaddaba. Arrintaasi waa distoor-jebin cad, waayo kala-dirista golaha xukuumadda meelna dastuurka kagama jirto, halka kala-dirista Wakiillada ay yaallaan afar qodob oo dastuuri ahi,” ayuu yidhi xildhibaanka.

Isagoo sharraxaad ka bixinayey waxa dastuurka iyo xeerarku ka qabaan kala dirista xukuumadda iyo Golaha Wakiillada iyo qaabka ay kala jideeyeen, waxa uu intaa ku daray, “Kala-dirista xukuumadda sharci aynnu leenahay oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkii la doortay lagu kala dirayaa dastuurkeenna iyo shuruucdeenna meelna kagama taal, laakiin xil-ka-tagistooda nidaam sharci oo kale ayaa dastuurku u jideeyey siduu dhigayo qodobka 86aad ee Dastuurku oo leh waxa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu xilka ku waayi karaan arrimaha kala ah; xukun dambi oo xilka lagaga xayuubiyo (maamuus-ka-xayuubin ay shardi u yihiin khiyaamo qaran iyo dastuur-jabin), shaqadiisa oo uu caafimaad-darro darteed u gudan kariwaayo, geeri ku timaada, is-casilaad madaxweynaha amma madaxweyne-ku-xigeenku qoraan oo labada gole Baarlamaan ka aqbalaan.

Markaa kala-dirista meesha uu ka keenay xisbiga dhan ee mucaaradka ah uu mowqifkiisa ku sheegay isagaa sheegi doona halka ay sharciga dalka kaga taal.”

Waxa kale oo uu faahfaahiyey qaabka loo kala diri karo Golaha Wakiillada, waxaannu yidhi; “Arrinta Golaha Wakiillada sharcigu wuu sheegayaa kala-diristiisa oo waxa ka hadlaya qodobka 56aad ee Dastuurka Qaranka oo dhigaya in golaha lagu kala diri karo sidan; kow, marka Golaha Wakiilladu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadi ah oo isku xiga, iyadoo aanay keenin duruuf awooddiisa ka baxsan (ugu yaraan lix bilood), Laba; marka ay soo jeediyeen in la kala diro golaha saddex meeloodow hal meel oo mudanayaasha golaha ka mid ah, isla markaana ay ku raacaan saddex meeloodow laba meelood oo golaha ah. Saddex, labadaa qodob ee hore meelmarintooda waxa go’aan ka gaadhaysa maxkamadda sare oo haddii ay ku raacdo u gudbinaysa Madaxweynaha oo isna ku soo saaraya digreeto madaxweyne. Afar, waxa Golaha Wakiillada lagu kala diri karaa afti dadweyne loo bandhigo oo haddii ay u codeeyaan haa waxa loo gudbinayaa madaxweynaha oo ku soo saaraya digreeto.”

“Markaa nidaamka sharci ee intaa le’eg ee dastuurku u dhigay kala-dirista Golaha Wakiillada inta xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee isaga laftiisu sharciga inoo hayey isa soo taagay ayuu yidhi 26-ka June waa in golaha la kala diraa, madaxweynihii nidaamkaasi sharci ka masuulka ahaa ee mar walba loo gudbinayeyna isna ha la kala diro ayuu buu yidhi. Sidaa darteed, waxa muuqanaysa inay si badheedh ah u jebiyeen dastuurka, waayo in guddoomiyuhu mowqif xisbi ka dhigo oo intuu fagaare isa soo taago yidhaa xisbiga WADDANI waxa u go’aan ah in la kala diro golaha xukuumadda iyo Golaha Wakiillada wixii ka dambeeya 26-ka June ma odhan karayno waxaas oo dhan may garanayn, sababtoo ah Guddoomiye Cirro toban sannadood ayuu hoggaaminayey Golaha Wakiillada oo dastuurkan garan maayo lama odhan karo, laakiin waxaynnu odhanaynaa oo caddaan ah inay badheedh ahayd ay dastuurka ku jabiyeen, dastuur-jabintuna waa dambi.

Anigu waxaan qabaa inta ay cid kale sharci-darro ku eedaynayaan inay iyagu shuruucdii waddanka oo dhan si badheedh ah uga horyimaadeen xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi Md. Cali Marreexaan.

Mar la waydiiyey sida uu u arko in xalku noqonayo haddii Guddoomiye Cirro ku adkaysto in kala diro Golaha Wakiillada kadib 26-ka June, waxa uu ku jawaabay, “Way fududahay oo haddii adigoo hay’ad ka tirsan aad eedayso oo aad tidhaa way fashilantay ama ha la kala diro, waxa lagu odhanayaa horta adigu isa soo casil. Haddii Guddoomiyuhu eedeeyey golahayagii uu tobanka sanno hoggaaminayey oo uu u arko inuu sharci-darro yahay, haddana iyadoo kal-fadhigayagii oo ay ka hadhsantahay toban maalmood kadibna uu soo shaqo tago waa la yaab, markaa sharaftiisu waxay ku jirtaa in isagu horta is-casilo oo uu meesha ka tago, ileyn is qabanmayso wuu fashilmee ha la kala diro iyo waan u shaqo tagayaaye.”