Madaxweynaha Jabuuti oo dacwad kula jiro Dubai World oo doonaysa Dekedda Berbera in lagu wareejiyo

Paris(Berberanews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shaaca ka qaaday in Shirakdda Dubai World oo Maamusha Dekedda Jabuuti si cad u diidday Ganacsato Shiine ah oo ay dawlad ahaan Saamigii ay lahayd ee Dekedda ka iibisay 15%- (shan iyo toban boqolkiiba), isla markaana ay Maxkamad ay muddo iskula jireen Shirkaddaas iyo dawladdiisu ka socoto Maxkamad ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, lana filayo inay bisha October ee sannadkan go’aan soo saarto, waxaanay Shirkaddaasi ka mid tahay Shirkadaha u ordaya in lagu wareejiyo Maamulka Dekedda Berbera ee Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa afka ka xidhay inuu shaaciyo Musharraxnimadiisa doorashooyinka Maxadtinnimo ee sannadka dambe ka dhici doona dalkiisa, balse sheegay inaanu tegi doonin, halka uu mar kale kaga jawaabay in la eegi doono sida ay wax noqdaan 2016-ka, marka la weydiiyo inuu is-sharraxayo iyo in kale.MADAXWEYNAHA-JAMHUURIYADDA-JABUUTI-ISMAACIIL-CUMAR-GEELLE-300x195

Ismaaciil Cumar Geelle oo Wargeyska Jeune Africa Wareysi gaar ah la yeeshay, isla markaana uu soo turjumay Wargeyska Himilo ee ka soo baxa magaalada Hargeysa oo aannu ka soo xigannay Warkan oo ku soo baxay Caddadkii Axadda 22 Febraayo 2015-ka ee Maanta, ayaa sidoo kale, laga waraystay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen, khilaafka u dhexeeya Shirkadda Dubai World, xidhiidhkooda xumaaday Faransiiska iyo qodob ku jiray heshiiskii ay Maraykanka ku siiyeen fadhiisinka Ciidan ee Jabuuti ku yaalla. Waxaanu sheegay inaanu Faransiisku wakhtigan u xiiso qabin Jabuuti.

Jabuuti oo sannadka 2016 geli doonta doorashooyin madaxtinnimo ayaa hoggaamiyahooda sii socda oo awood leh inuu wax ka beddelo dastuurka, ayaa marka ay timaaddo inuu musharrax yahay iyo inkale, uu la soo baxayaa kaadhkiisa. Marka laga yimaaddo Mucaaradka Xeradiisa ku jira, lama filayo inay soo baxaan xubno magacooda soo qaddima, sababo la xidhiidha inaanay weli qaan-gaadhin ama in lala xidhiidhiyo dhaqdhaqaayada Islaamiyiinta. Sidoo kale, Safaaradaha waddamada Ciidammadu ka joogaan Jabuuti, ayaa dhammaantood aamminsan hadduu tago Ismaaciil cumar Geelle 2016-ka la geli doono xaalad aan la saadaalin karin.

Mar la weydiiyey  Musharaxnimadiisa doorashada 2016  oo hore uu u sheegay inaanu isu taagi doonin ayuu ku jawaabay; “Waynu sugi doonnaa, aan eegno, oo Taageerayaashiisa iyo Xulafadiisu ha soo dhoweynayaan.” “Waxaan ahay nin keligiiya!… keli, aamin ah.!” ayuu raaciyey hadalkiisa Mr. Geelle.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti oo la weydiiyey siduu ku yimi heshiis uu dhawaan la gaadhay Mucaaradka dalkiisa, waxa uu yidhi; “Diyaar uma ahayn, xiiso weyn iima hayn, in Shaadhku ila dhidido, heshiiska Mucaaradka. Waad xusuusataa doorashooyinkii 2013 natiijadoodu la yaab ayey nagu noqotay annaga iyo Mucaaradka. Markii koowaad ayey Ururrada Ikhwaan-muslimiinku oodda soo jabsadeen, markaan arkay inay na hareereeyeen, waan soo dhexgalay, dhexdhexaadin ayaan oggolaaday, balse heshiiskii way jebiyeen. Fursaddu way timi xilli farxad Arooskii Inantayda iyo Wasiir Xukuumada ka tirsan oo ilmaadeer ahaayeen Ismaaciil Geeddi Xareed, hoggaamiyeyaasha USN.”

Madaxweyne Geelle mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Mucaaradku dalbanayaan in dhammaan Ururrada la sharciyeeyo, markaa inuu raalli ka yahay qaabka Islaamiyiinta iyo in kale, waxa uu yidhi; “Maya diyaar uma ihi. Sidoo kale, USN ma doonayso. Dhab ahaan koox ka mid ah USN ma aqoonsana qodobbada heshiiska, laakiin hawsha waxaan la wadi doonnaa inta caqliga leh. Dhinaca Islaamiyiinta, xilligan halis naguma hayaan, waan ku saxsanayn inaan Xabsiga dhigno saddexda Sheekh, oo xilligan midkood aannu haysan Masaajid uu ka khudbadeeyo, labadii kalena Canada iyo Beljum u dhoofeen.”

Su’aal u dhignayd; ‘Marka heshiisku dhaqan-galo, natiijada la filayo miyaanay noqon doonin dawlad wadaag ah oo Mucaarad ku jiro? Waxa uu Madaxweyne Geelle oo ka jawaabayaa yidhi; “Haddii ay shaqsiyaadkooda madax-bannaan sii ahaadaan, markaa waan heshiin karnaa kuna soo dari karnaa Xukuumadda.”

Taasi markaa waxay wadadda u xaadhaysaa in nabadgelyo loo galo doorashooyinka 2016, la filayo inaad musharrax tahay? Su’aashaas oo Madaxweynaha Jabuuti la sii weydiiyey wuxu kaga jawaabay; “Waan u sheegay mowqifkayga Wargeyska, ku celin maayo.”

Su’aal kulul oo la weydiiyey Madaxweynaha Jabuuti waxay u dhignayd sidan:- Ma waxaad u jeeddaa Xeradayda weli Baar-qab kuma jiro, miyaanad arkayn dhammaan da’yarta hiigsiga leh? Waxanu kaga jawaabay; “Shaki la’aan, markaad ku celisid inaanad musharrax ahayn qofna ku rumaysan maayo. Aniga waxba igama helaysid.”

Madaxweyne Geelle oo la weydiiyey inay Maamulka Dekedda oo ay Maamuli jirtay Shirkadda Dubai World ay hadda dawladda Jabuuti geliyeen oo ay qayb Maamusho iyo waxa taa keenay, waxa uu yidhi; “Aan sharraxo, illaa maanta Dubai World way maamushaa Dekedda Jabuuti, laakiin waxaan ka codsannay in la saxo heshiiska noo dhexeeya, si maamulka sare aan cod u dhigma saamiga aan leenahay u helno. Markii ay diideen inaan wada-xaajood ka yeelanno waxaan ka iibinnay Boqolkiiba 15% saamigayagii Ganacsato Shiine ah, balse weli Dubai World way diiddan yihiin in Shiinuhu soo galo Maamulka, Dacwaddii waxay ku jirtaa Maxkamad London ah, oo go’aan ka soo saari doonta horraanta Oktoobar. Xilligan Dubai World ayaa maamusha Dekedda, laakiin xaaladdu weligeed sidaa ma sii ahaan doonto.”

Faransiisku wuu joogaa Jabuuti, intaasi miyaanay idinku filayn marka laga yimaado khilaafka idiin dhexeeya shirkada Total oo la weydiiyey ayuu yidhi; “Ma filayo maalgashi yar iyo booqasho la’aanta Wasiirrada Faransiiska. Hore Wasiirka Gaashaandhigga Jean-Yves Le Drian, ayaa ballan-qaaday inuu booqasho ku iman doono, laakiin weli meelo kale ayuu ku mashquulsan yahay, waxay u muuqataa inaan Faransiisku xiiso badan u hayn Jabuuti.”

Mar la sii weydiiyey inay Madaxweynaha Faransiiska bishii hore kulan ku wada yeesheen dalka Sucuudiga, iyo sida uu dareenka uu hadda qabo ugu muujiyey iyo inaanu u muujin, waxa uu ku jawaabay Madaxweyne Geelle; “Xaaladdu iskama imanayso. Waxaan ka wadahadalnay argagxisada, wuxuu I weydiiyey xaaladda Soomaaliya iyo Yemen, inkastoo shaki jiro, weli saaxiibbo ayaannu nahay.” 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maaddaama oo Jabuuti ku jirto dalalka Saxeexay Xeerka lagu aasaasay Maxkamadda dembiyada caalamka, inuu qabo mid la mid ah dareen ay Madaxweynayaal Afrikaan ahi ku diiddan yihiin qaabka ay Maxkamaddaasi u shaqayso, waxa uu yidhi; “Shaki la’aan, ku biiritaankii heshiiska ICC wax wanaagsan uma keenin Afrika, shaki badanna way ka qabtaa. Sida markii Maraykanku naga codsaday inaan fadhiisin Ciidan ka siinno Jabuuti, wixii ugu horreeyey ee ay naga dalbadeen waxa uu ahaa inay gebi ahaan Xasaanad ka yeeshaan Muwaaddiniintooda dembi kastoo ay galaan, weli waan la yaabbanahay.”

Xigasho Wargeyska Himilo