Ciidammada Turkiga oo hawlgal ay ka sammeeyeen Syria ku raray Qabriga Cusmaaniyiinta ay ka farcameen

Turkey-(Berberanws)-Ciidanka Turkiga, ayaa waxay hawlgal gaar ah ay habeenimadii xalay ahayd ka fuliyeen dalka Suuriya, iyadoo hawlgalkaasi lagu sheegay mid guuleystay.

Ciidanka Turkiga, ayaa gudaha Suuriya ka soo raray qabriga Ottoman, oo ah awooihii Ottoman Sultan, oo ahaa aas aasihii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Qabriga Ottoman, ayaa waxaa ilaalo ka ahaayay ilaa 40 askari oo ka tirsan Ciidamada Turkiga, sida uu dhigaayo heshiis ay 1921-kii wada gaareen dalalka Turkiga iyo Suuriya. Kaasoo ahaa in qabriga ay ilaaliyaan Ciidamada Turkiga.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Xoogaga Daacish ay hareereeyeen Ciidamadii Turkiga ee ilaalada ka haayay qabriga laga soo raray Waqooyiga Suuriya.23TURKEY2-articleLarge

Boqolaal askari oo ka tirsan Xoogaga Turkiga oo taageeraaya gawaarida gaashaaman ee dagaalka, ayaa qabriga u soo raray goob ku dhow xadka labada dal, halkaasoo lagu wado in laga dhigo qabriga Ottoman.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoğlu, ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in hawlgalkaasi uu guuleystay, isla-markaana aanu jirin wax hujuum ah oo Ciidamada Turkiga kaga yimid Xoogaga Daacish.

Hal askari oo Turkish ah, ayaa ku dhintay shil ka dhacay Waqooyiga Suuriya. Shilkaasi lama cadayn waxa uu yahay iyo waxa sababayba.