Madaxweyne Silaanyo oo xil-ka-qaadis, magacaabis iyo isku bedel ku sammeeyay Masuulliyiinta Gobollada

Hargeysa (Berberanews)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2946/022015 uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida.siilaanyo

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                       Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyay:                Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

                                                     

Markuu La Tashaday:           Madaxda ay hawshani khusayso;

 

Markuu Arkay:                       In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel Gudoomiyihii hore ee Sanaag)
  2. In Mudane, Axmed Cabdi Falay, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. In Mudane, Cali Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Gudoomiye ku xigeenada

 

  1. In Mudane, Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Xaamud Xuseen Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  • Xilka Qaadis
  1. Ku: Mudane, Maxamed Faarax Aadan

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sool

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

 

Mudane,

 

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Sool aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

 

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Sool.

 

  1. Ku: Mudane, Axmed Cali Nuur

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Saraar

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

 

Mudane,

 

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Saraar aan kaa qaado una magacaabo mas’uul cusub oo xilkaasi guta.

 

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Faarax oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saraar.

 

  1. Ku: Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf

Guddoomiye  Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

 

Mudane,

 

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

 

  1. Ku: Mudane, Khadar Cali Cilmi

Guddoomiye  Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saaxil

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Ujeedo:          Xil ka-qaadis

 

Mudane,

 

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

 

  • Aqbalaad Is-casilaad Gudoomiye
  1. Ku: Mudane, Cabdoo Axmed Aayir

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Awdal

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Ujeedo:          Aqbalaad Is-casilaad

 

Mudane,

 

Tixraac qoraalkaaga summaddiisu tahay XMGA/B/02/286/2015, kuna taariikhaysan 07/02/2015, ujeedadiisuna tahay is-casilaad.

 

Sidaas darteed, waan kaa aqbalay is-casilaada aad ii soo gudbisay, waxaanan kaaga mahadinayaa muddadii aad haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Haddaba, waxaad xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal ku wareejin doontaa Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

 

Sidaa awgeed, waxa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu dhamaan masuuliyiintaasi u kala wareejiyo xilka Gudoomiyeyaasha, Gudoomiye ku xigeenada Gobolada ee kor ku xusan.

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.