Raysal-wasaaraha Somalia oo Baarlammaanka weydiistay muddo dheeraada oo uu ku soo dhammaystiro Golaha Wasiirrada cusub

Muqdisho-(Berberanews)-Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay ugu dambeen aqbaleen codsigii uu maanta u soo jeediyay Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo ahaa in 10 maalmood oo dheeraad ah, ay siiyaan si uu ugu soo dhammeystiro Golahiisa Wasiirada cusub.

139 Xildhibaano, ayaa waxay haa ku codeysay in Ra’iisal Wasaaraha la siiyo 10-ka maalmood, ee uu ka codsaday, iyadoo 47 Xildhibaano ay maya ugu codeysay, halka saddex kalana ay isaga aamustay.baarlamaankaw

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu aqbalay 10-kii maalmood, ee maanta uu soo weydiistay Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.

Ka hor intii aynaan codayntu bilaaban, ayuu Jawaari yiri “Haddii Xildhibaanada aad ku codeysaan (HAA), waxay ka dhigan tahay in Ra’iisal Wasaaraha uu muddo 10 maalmood ku soo dhammeystiro Golahiisa Wasiiraha, haddii aad (MAYA) ku codeysaan, waxay ka dhigan tahay in dalku aanu lahayn wax Xukuumad ah, oo Ra’iisal Wasaaraha laga rabo in muddo 30 maalmood uu ku soo dhiso Xukuumad kale.”

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo intoodu badan ku mideysan labada Kudladood ee Baarlamaanka, ayaa waxaa loo fasirtay in ay ka soo horjeesteen mudada 30-ka cisho ah, oo sii dheereen karta tallaabada ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda Sharmaarke.

Laakiin haddii muddo 10 maalmood uu ku soo dhammeystiro Golahiisa Wasiirada, ayaa waxaa u sahlanaan karta, in muddo kooban ay ku diidaan Xukuumadda iyo inay codka ku siiyaan, haddii heshiis is af garad ah uu yimaado.

Berberanews.com

info@berberanews.com