Maraykanka oo sheegay inay Duqayn ku dileen khabiir dhanka hubka kiimikada ah

Bbc-(Berberanews)-Militariga dowladda Mareykanka ayaa sheegaya in khabiir dhanka hubka kiimikada ah oo ka mid ahaa dowladda Islaamka (Daacish) lagu dilay duqeyn diyaarado ay ka fuliyeen dalka Ciraaq.

Mareykanka ayaa sheegaya dhimashadan ninkan oo lagu magacaabay Abu Malik, ay dhabar jab ku tahay awooda Daacish ay ku sameysan lahayd hub kiimiko ah.

Abu Malik ayaa la sheegayaa inuu u ahaa injineer dhanka hubka kiimikada ah dowladdii Sadam Xuseen, ka hor intaan xilka laga tuurin 2003-dii.141124032648_syria_raqqa_us_strike_624x351_reuters_nocredit

Khilaafada Islaamka waxa ay maamushaan dhul ballaaran oo ka tirsan Suuriya oo ah halka dowladda ay ku burburineyso hubkeeda kiimikada ah, balse lama cadeynin in dhammaan maqaasiinadeeda la baabi’iyay.