Somaliland oo dhinac isaga leexisay lahaanshiyaha Hubka Markabka lagu qabtey oo Puntland dusha u saartay

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiir ku-xigeenka Amniga  ee Wasaarrada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cilmi oo gelinkii dambe ee Maanta War-fidiyeenada kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddeymaha ka soo yeedhay maamulka Puntland, kuna sifeeyey dacaayad raqiisa oo ka baxsan Masuuliyadda dawladnimo, isagoo intaas ku daray “Somaliland wax Alshabaab la yidhaahdo oo gudaheeda joogtaa ma jirto, waxaana la ogyahay inay ku xidhanyihiin tirada ugu badan ee Maxaabiista Alshabaab” ayuu yidhi Cali Maxamed Cilmi.

Masuulka u hadlay xukuumadda Somaliland wuxuu caddeeyey “ Somaliland iyadaa qabatay hubkan, hadii aanu leenahay maanu sheegneen, caqliga saliibka ah ayaa taas garan kara. “waxaanu mar walba jecelnahay inaanu nabad-gelyo kula dhaqano deegaamada aanu jaarka nahay” ayuu yidhi.