“. Waxaan Somalia ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida Arrimaha Somaliland khuseeya” Madaxweyne Silaanyo

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo, ayaa Markii u horaysay Somalia u soo jeediyay inay joojiso hadalada carqaladaynaya wada hadalada labada dal u socda.

Waxa uu sheegay inaanay aqbali doonin faro galin Somalia ku samayso arrimaha ka socda gudaha Somaliland “. Waxaan Somalia ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida Arrimaha Somaliland khuseeya, waayo Waxa kaliya oo ay waxyeelaysaa wada hadalada Socda.Madaxweyne_Siilaanyo2013

Somaliland ma aqbali doonto Nooc kasta oo faro galin ah oo lagu sameeyo Xuduudaheeda, Gefaf kasta oo nagaga yimaada Jaarkayaga waxaanu uga jawaabi doonaa si lamid ah” ayuu Bartiisa Twitter-ka ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Hadalka madaxweyne Siilaanyo ayaa imanaaya wax yaruun ka dib markii Xukuumada Taagta daran ee Somaliland ay shalay soo saartay hadal gaf ku ah xidhidhka labada Dawladood.