Bukaan Lagu Xabbisay Cusbitaal, Kadib Markuu Kharash Been-abuur ah oo Lagu Dallacay Bixin Kari Waayey

Qubane-(Berberanews)-Bukaan ajnebi ku ah dalka Sucuudiga, ayaa si ku-meel-gaadh ah loogu xabbisay cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal dalkaas, kadib markii ay ku soo dallacdeen SR100,000  Riyaal oo daawadiisa iyo shay-baadhkiisa ahaa, kaasoo iska bixin kari waayey lacagtaas.

Waaxda Arrimaha Caafimaadka Dawladda Sucuudiga, ayaa faragelisay arrinkan, isla markaana go’aan adag ka soo saartay xaaladda ninka bukaanka ah.bukan

Mr. Muddathir Ibraahim oo ah bukaanka dhakhtarka lagu xidhay, ayaa sheegay in la dhigay cusbitaal gaar loo leeyahay, kadib markii uu aad u xannuunsaday, markii muddooyin dhawr casho ah baadhitaankiisa ay dhakhaatiirtu badhayeena, xaaladiisuna ka sii dartay loo gudbiyey Waaxda Gargaarka Degdega ah (UCU) si cusbitaalka dawladda loo gaadhsiiyo.

Markii uu 22 maalmood cusbitaalka ku jiray oo 12 maalmood oo ka mid ah uu qaybta gargaarka degdegga ah yaallay, ayaa xaaladidisu ladnaatay, kadibna la lagu tashaday in laga saaro, balse dhkhaatiirta daawaynaysay ku xidheenin lacagta aadka u badan uu bixiyo oo lagu soo dallacay muddadii uu ku jiray sida wargeyska Arabic Daily daabacay.

Maamulka cusbitaalka, ayaa dalbaday inay ninkan sii haysan doonaan inta lacagtiisa laga bixinayo. Asaxaabtiisa oo isku dayday in ay lacag u ururiyaan waxay heleen saddex meeloodow meel ka mid ah lacagtaas, balse masuuliyiinta daawaynaysay kuma ay qancin, waxaanay ku hanjabeen inay ciidammada ugu yeedhi doonaan, kadibna waxay ku xidheen qolal xashiishka lagu ururiyo si aan lacag kale loogu qorin.

Waxa uu intaa ku daray bukaankan in wixii intaa ka dambeeyey daawada laga joojiyey ilaa inta uu dokumantiga lacagta lagaga qaadayo saxeexaayo, markii uu akhriyey waraaqaha lacagta lagu soo dallacay iyo waxyaabaha ku qoranna aanay ku qornayn daawo uu qaatay iyo waqti uu meesha ku jiray toona.

Waxa kaloo Mr. Muddathir Ibraahim xusay nuu dacwad u qortay Waaxda Arrimaha Caafimaadka magaalada Madinah, taasoo ka soo gaadhay dhibta lagu hayey, kadibna xallisay dhibaatadii iyo qiimihii mala-awaalka ahaa ee loo haystay, lana geeyey cusbitaalka dawladda.