Nicholas Kay: Madaxbannaanida Somaliland waxay caqabad ku tahay Nidaamka Federaalka Somalia

Berberanews-Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay, ayaa sheegay inay dhibaato tahay aqoonsi la’aanta Somaliland laga soo bilaabo 1991-kii markii ay ku dhawaaqday inay gooni uga istaagtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya illaa maanta oo 2014-ka la marayo aanay beesha caalamka ka helin iyo sidoo kale ka soo horjeedka ay nidaamka federaalka Soomaaliya diiiddan tahay ama ka soo horjeeddo oo iyana caqabad kale uu ku tilmaamay.

Nichlos-Kay

Nicholas Kay waxa uu sheegay inay jiraan Maamullo dalka Soomaaliya ka dhisan oo taageersan nidaamka ismaamu-goboleedyada ee habka Federaalka ee ay dawladda Soomaaliya qaadatay, hase-ahaatee, ay Somaliland ka soo horjeeddo nidaamkaas,, isla markaana ku dooddo inay tahay dal ka gaar ah Soomaaliya. Nasiib-darro-se aanay illaa hadda beesha caalamku u aqoonsan dal madax-bannaan.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Kay oo ka hadlayey wax-qabadka sannadkan dhammaanaya uu sameeyey Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo xaruntiisu taha Muqdisho, waxa uu shaaca ka qaaday in sannadka dhammaadka ah ee 2015-ka Afti dadweyne loo qaadi doono Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee Federaalka Soomaaliya si uu u noqdo mid rasmi ah.

Mr. Kay waxa uu ku dooday in afti-dadweyne oo loo qaado Dastuurka Ku-meel-gaadhka ahi ay horsed u noqon karto, isla markaana aad u sahli karto in 2016-ka doorasho dadweyne oo ka dhacda Soomaaliya oo ay dadweynuhu si madax-bannaan u soo dooran karaan Madaxda hoggaamin doonta.

Wakiilka Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay, waxa uu sheegay inay kala duwan yihiin aragtiyada Soomaaliya ee nidaamka Federaalka, iyadoo qaar ka mid ah ay Maamullada Soomaaliya ka jira qaarkood si buuxda u taageersan yihiin, halka ay Somaliland ka soo horjeeddo inay ka mid tahay Maamullada hoos-taga dawladda Federaalka Soomaaliya, balse ay tahay dawlad ka madax-bannaan oo gaar uga taagan Soomaaliya sida ay ku dooddo ama go’aansatay 1991-kii.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Kay oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Markaan eegno Somaliland 1991-kii ayay ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse weli looma aqoonsan sidii dal madax-bannaan, taasina dhibaato gaar ah ayay ku tahay nidaamka federaalka iyo rabitaankooda aanay weli gaadhin-ba.”

Danjire Nicholas Kay waxa uu sheegay inkasta oo ay caqabado badani jiraan, haddana inay Qaramada Midoobay dedaalkeeda laban-laabayso, isla markaana ay taageero la garab-taagan tahay dawladda Soomaaliya iyo weliba caawimooyinka ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan, isagoo xusay inay Ururrada Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD-na ay sidoo kale meel-gaadhsiinta Soomaaliya ka wada shaqayn doonaan.