Madaxweynaha Kenya oo ansixiyay sharci muran badan dhaliyay

Bbc-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saxiixay sharciga muranka badan dhaliyay ee ku saabsan amniga ee uu baarlamaanka dalkaasi meelmariyay Khamiistii.

Kenyatta waxa uu sheegay in xeerkan uu u sahlayo dawladiisa in ay la dagalanato khatarta Al-shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay bilihii dhawaa xoojisay weerarada ay ka gaysanayaan gudaha dalka Kenya.

sharcigan cusub waxa uu siinayaa madaxweynaha iyo laamaha ammaanka awoodo dheeraad ah.

Qoddobada xeerkan ku jira waxaa ka mid ah:

· In ay awood u leeyihiin maamulka in ay xiraan dadka lagu tuhmo argagaxiso ilaa iyo sanad iyagoo aan maxkamad la soo taagin

· Mukhaabaraadka oo la siiyo awoodo dheeraad ah oo ay ku dhageysan karaan tilifoonada dadweynaha iyagoo aan maxkamad ka helin ogalaansho.

· Iyo weriyayaasha oo laga doonayo in ay fasax ka helaan baliiska inta aysan samayn warbixinada baaritaanka ah ama aysan daabicin sheekooyinka argagaxisada guddaha dalka ka jira.

Buuq ayaa ka dhashay baarlamaanka Kenya Khamiistii

Buuq ayaa ka dhashay baarlamaanka Kenya Khamiistii kadib markii xubnaha baarlamaanka ee mucaraadka ay isku dayeen in ay is hortaagaan meelmarinta sharciga. Waxa ay ku doodeen in uu ka hor imaanaya xorriyadda madaniga