“Dawladdii Rayaale Iyo Tan Siilaanyo Berbera Madaxtooyadda Ayay Xukumayeen” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Berbera (Berbera news) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in Magaaladda Berbera ay Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si toos ah looga xukumo.
 
 
 
 
Xildhibaankan oo maanta ka hadlay Munaasibad uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI u qabtay Taageerayaal uu hoggaaminayay Afhayeenkii Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ee Gobolka Saaxil Cali Axmed Kooshin oo ku biiray Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddu ay cadaasi gaar ah ku hayso Shacabka ku dhaqan Magaaladda Berbera.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dalka Berberi wey ka duwan-tahay sidda loo xukmo Goboladda kale looma xukumo,Dawladdan iyo tii ka horaysay isku si bay u xukumayeen cadaasi-baa lagu hayaa waa la dulmiyaa Shacabkeedda. Waxaan idin sheegayaa Xisbiga WADDANI waa ka idinka saarayaa Guni’madda”
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu intaas ku daray “Dawladdii Rayaale iyo tan Siilaanyaba Madaxtooyadda Berbera laga xukumaa, beri haddii uu WADDAI taladda qabto Golihiina deegaanka iyo Maayarkiina ayaa Berbera xukumaya” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.