Buuq Ka Dhashay Baarlamaanka Kenya Xili Cod Loo Qaadi-lahaa Sharci Lagu Xakamaynayo Dadka Looga Shakiyo Argagixisadda

Nairobi (Berbera news) Waxa Maanta Baarlamaanka Dalka Kenya ka dhacay buuqa ka dhashay xili ay Xildhibaanaddu uu cod u qaadi lahaayeen Sharci lagu adkaynayo Amaanka Dalkaas, kaas oo dhigaya in Xabsiga hal Sanno lagu hayn-karo Qofkii looga shakiyo inuu xidhiidh la leeyahay Ururadda Argagixisadda.
 
 
 
 
 
 
 
Sharcigan ayaa waxa kasoo horjeestay hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Kenya, iyagga oo ku tilmaamay inuu yahay mid dhibaato weyn ku ah Xorriyadda Shacabka iyo hadalka, waxaanay Xildhibaanadda Mucaaridka ahi ay buuq ka bilaabeen Baarlamaanka xili la doonayay in Sharcigan cod loo qaado, iyagga oo ku dooday in Qodobo ka mid ahi ay yihiin kuwo Sharci-darro ah.
 
 
 
 
 
Qodobbada Sharcigan ku jira ayaa waxa ka mid ah in Warbaahinta Kenya ee daabacda Warbixinno ku saabsan arrimaha Argagaxisada oo baqdin abuuraya lagu ganaaxi doono 5-milyan oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta 55,000 oo Dollarka Maraykanka ah, taas oo ay Warbaahintu si aad ah uga qaylisay.
 
 
 
 
 
“Wakhtiga uu xidhnaanayo Qofka looga shakiyo Argagaxisonimo waa mid wakhti aan suuro-gal ahayn, waana Go’aan aan macquul ahayn,” ayuu yidhi Mudane Asman Kamama oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Kenya.
 
 
 
 
 
Sharicgan ayaa sidoo kale ku qasbaya milkiilayaasha inay ciidamada ammaanka ka siiyaan warbixinno dadka ay dhismayaashooda ka kireeyeen, qodobkaas oo ay soo gudbiyeen xil-dhibaannada xisbiga talada haya ee Jubilee.
 
 
 
 
Mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa xarunta dhexdeeda ka billaabay in ay buuqaan, iyagga oo sheegaya in Sharcigan uu yahay mid aan macquul ahayn , waxaana la sheegay in Haweeneyda Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya lagu shubay biyo.
 
 
 
 
 
Kulanka ayaa si deg-deg ah Maanta loo soo xidhay, iyadd oo gellinkii dambe ee maanta mar kale la isuku soo laabtay, waxaase sidii oo kale ka dhacay buuq kale, waxaanay Guddoonku ay ku dhawaaqeen in kulanku xidhan yahay.
 
 
 
 
 
Buuqa Baarlamaanka Kenya ayaan la ogayn halka uu ku dambaynayo, balse Mucaaradka ayaa sheegaya inaan Sharcigan la ogolaan-karin, sidaa si la mid ah ayaa waxa iyaggana uga soo horjeestay Muslimiinta ku nool Dalka Kenya.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.