Guddida Agabar Ee Hoodaale Oo Kala Saaray Musharixiinta Beeshaasi Ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Fadhi ay maanta yeesheen Guddida horumarnta Beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE waxay cod ku kala saareen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.
 
 
 
 
Musharixiintan ay Beeshu kala saartay ayaa qorshahoodu ahaa inay u tartamaan jagadda Musharaxnimadda Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo dabaddii, waxaana fadhi ay maanta yeesheen oo ay ka soo xaadireen 24 Xubnood ay oo cod u qaadeen Musharixiinta Beeshoodda ee Xisbiga KULMIYE.
 
 
 
 
14 ka mid ah Guddida horumarinta ayaa u codeeyay in uu Muuse Biixi Cabdi noqdo Musharaxa Xisbiga KULMIYE Madaxweynaha Somaliland dabadii, halka ay Wasiiradda Maaliyada iyo Arrimaha dibada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ay heleen 7 cod, 2 Xubnood ay ka aamuseen Guddoomiyuhu-na muu codaynin.
 
 
 
 
Masuuliyiintan ayaa muddooyinkii u dambeeyay loolan ugu jiray sidii uu mid kastaaba u noqon lahaa Musharax Madaxtinimadda Beesha Sacad Musue ee Xisbiga KULMIYE, iyadda oo Guddoomiye Muuse Biixi uu noqday Musharaxa KULMIYE marka uu Madaxweyne Siilaanyo hankiisa Siyaasadeed dhamaysto.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.